Home Dhacdooyinka Faah faahin: Weerarka lagu qaaday Hotel Pizza (Daawo Sawirada)

Faah faahin: Weerarka lagu qaaday Hotel Pizza (Daawo Sawirada)

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa weerarka abaabulan ee fiidnimadii caawa lagu qaaday Hotel Pizza House, oo ku yaala xaafadda Banaadir ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Hotelkan la weeraray oo ku yaala ka soo horjeedka Hotel Posh Treats, ayaa waxaa uu weerarku ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana xigay dabley hubeysan oo gudaha u galay hotelkaasi.

Xilligii uu weerarka bilaabanayay, ayaa waxaa uu mashquul badani ka jiray Hotelada Pizza House iyo Posh Treats, oo ay ku badan yihiin dadka wax haysta. Ismiidaaminta ayaa si isu mida u saamaysay hoteladaasi.

Pizza House Hotel, ayaa ah goob ay aad u fariistan dhalinta qurbo-joogta ee sanadihii ugu dambeeyay dib ugu soo laabanayay Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ammaanka, ayaa sheegay in dableyda gudaha ugu jirta dhismaha, ay ku dhex afduubteen tiro dad ahi, inkastoo aan la kala garanayn waxa ay isugu jiraan dadkaasi.

“Nabadiidku weli waxay ka dhex dagaalamayan gudaha Pizza, waxayna qafaal ahaan ugu haystan in ka badan 20 qof. Ma garanayno tirada dhimatay iyo inta dhaawacantayba.” Ayuu yiri Sarkaal Booliska Somaliya ka tirsan.

Waxaase kol hore soo baxay warar sheegaya in sagaal qof ku dhimatay weerarkaasi, oo isugu jira dumar iyo ilaaladii hotelka.

Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho, ayaa soo sheegaya in ay arkayn meydadka toddobo qof, tiro kale oo dhaawac ah iyo dad laga soo samata bixiyay Hotel Posh.

Dadka la soo samata bixiyay, ayaa waxaa ku jira shaqaale u kala dhashay dalalka Itoobiya iyo Kenya, oo ka shaqaynayay Posh Hotel.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan, ayaa xanibay isu socodkii halkaasi ka jiray, waxaana socda hawlgal la doonayo in amniga goobtaasi lagu xaqiijiyo.

Ururka Al Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Dhexe Somaliya, ayaa sheegtay in ay weerarka ku qaadeen maqaaxida Posh, oo sida ay sheegeen uu hogaaminayay halyeey ka tirsan Guutada Istish-haadiyiinta.

Waa weerarkii ugu horeeyay oo ismiidaamin, kana dhaca Magaalada Muqdisho, tan iyo markii ay curatay bishan barakeysan ee Ramadan.

SHARE