Home Wararka Maanta Duqa Muqdisho oo markii ugu horeysay ka hadlay maqaamka Muqdisho

Duqa Muqdisho oo markii ugu horeysay ka hadlay maqaamka Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay arrinta maqaamka Magaalada Muqdisho oo dad badan mudo isweeydiinayeen.

Eng Yariisow oo la hadlayay Shacabka ku nool degmada Yaaqshiid oo uu ka qabsoomay Shirkii Todobaadalaha ee Maamulka ayaa sheegay in Sanadkaan uu yahay kii la raadin lahaa Maqaamka Caasimadda.

Wuxuu sheegay qorshaha sandakan 2019 ee Maamulka Gobolka Banaadir inay tahay ahmiyad siinta raadinta maqaamka Magaalada Muqdisho.

“Waa Sanadkii wax qabadka,Sanadkii u diyaar garoowga Doorashooyinka,dhameystirka Dastuurka iyo Sanadkii Maqaamka Muqdisho  iyos dii dadka Muqdisho aayahooda uga tashan lahaayeen,isla markaana ku helaan sida Gobolada kale Matalaad Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Shacabka Muqdisho oo midooba ayuu sheegay inay wax walba ku qabsan karaan hormarna ay gaaraan.

Waa marki ugu horeysay ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu ka hadlay arrinta la xiriirta Maqaamka Muqdisho oo Guddoomiyeyaal badan oo Gobolkan soo maray aysan ku guuleysan inay keenaan Maqaamka Caasimadda.

SHARE