Home Wararka Maanta Dowladda Somaliya oo sheegtay Shabaab inaysan hor istaagi karin gurmadka abaaraha dalka

Dowladda Somaliya oo sheegtay Shabaab inaysan hor istaagi karin gurmadka abaaraha dalka

Iyadoo Shabaab ay go’doomiyeen Magaalooyin dhawr ah oo ka tirsan Koonfurta Somaliya, islamarkaana ay adag tahay sida bulshada ku nool deeganadaasi gurmad bini’aadinimo oo dhulka la marsiiyo la gaarsiiyo, ayaa dowladda Somaliya waxa ay sheegtay Shabaab inaysan hor istaagi karin gurmadka Bulshada la gaarsiinaayo.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya C.raxmaan Cismaan Yariisow, ayaa sheegay dowladda inay ka go’an tahay gurmad gaarsiinta Bulshada Somaliyed ee ku dhibaateysan Gobolada dalka Somaliya.

Wuxuu sheegay dowladda inay ahmiyad koowaad siisay sidii dadka loogu gurman lahaa, taa bedelkeedana Shabaab ay ahmiyada koowaad siiyeen sidii dadka ay uga hor istaagi lahaayeen gurmadka.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Al-Shabaab nagama hor-istaagi karaan gurmadka abaarahad dalka ka socda. Dowladda Federaalku waxey mudnaan gaar ah siisay u gurmadka dadka ay abaarahu saameeyeen, halka kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab ay iyagana mudnaan koowaad ka dhigteen is-hortaaga in shacabkaas tabaaleysan loo gurmado. Wallaalaha Imaaraadka ee noogu yimid inay shacabka gar-gaaraan waxey noo sheegeen inaysan marnaba joojin doonin gar-gaarka ay Soomaalida u fidiyaan waqtigan xasaasiga ah.”

Yariisow, ayaa intaasi ku daray in dowladda Federalka Somaliya ay ka go’an tahay gurmad gaarsiinta Bulshada Somaliyed.

“Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in dadaal walba loo galo sidii shacabka tabaaleysan loogu gurman lahaa, oo falalka noocan oo kale ahna ay nagu sii dhiirigelinayaan inaan geesinimo ka sii qaadno annagoo kaashaneyna shacabka Soomaaliyeed oo aan labo-jibaarno howlaha gurmadka abaaraha ee hadda u socda si xowli ah.”

Al Shabaab ayaa shalay miino ku qarxiyay gaari ay la socdeen guddiga gurmadka abaaraha qaran ee dalka, kaasi oo maraayay duleedka Magaalada Muqdisho.

SHARE