Dowladda Somaliya oo maanta Kenya ku wareejisay James Jimbo oo laga soo furtay burcad badeeda

James Jimbo oo ah muwaadin Kenyan ah, ayaa waxaa maanta lagu wareejiyay Safaaradda Kenya ay ku leedahay Magaalada Muqdisho, si dib uu ugu laabto dalkiisa.

Ninkan, ayaa waxaa Arbacadii xoog looga soo furtay kooxaha burcad badeeda Somalida, oo afduub ahaan ugu haysatay Deegaanka Xin-labi Ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Soo furashadiisa waxay ka dambeysay markii Ciidanka Nabad Suggida Galmudug ay ku dhaqaaqeen goob ay ninkaasi ku hayeen burcad badeeda.

Munaasabad maanta ka dhacday Garoonka Aadan Cadde, ayaa ninkaasi loogu wareejiyay Safaaradda Kenya, waxaana ka qaybgalay Saraakiil ka kala socotay Hay’adda Nabad Suggida, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda & Amniga Somaliya iyo diblomaasiyiinta Safaaradda Kenya.

James Jimbo oo hadal ka jeediyay munaasabadaasi, ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay 15 bilood ka dib, in laga soo sii daayo gacanta kooxaha burcad badeeda, hase ahaatee uu ka xun yahay in gabadhii la socotay oo Kenyan ah, ay weli ku harsan tahay gacanta burcad badeeda.

Mr. Jimbo waxaa uu mahadcelin u jeediyay Maamulka iyo Ciidanka Nabad Suggida Galmudug, sida ay ugu istaageen in muddo sanad ka badan ay ka soo sii daayaan burcad badeeda.

Ninkan oo Somaliya u joogay sida uu sheegay inuu dadka ku daaweeyo dhirta, ayaa waxaa uu dib ugu laaban doonnaa Magaalada Nairobi. Bishii November ee sanadkii 2014-ka, ayay ahayd markii laga qafaashay Magaalada Cadaado.


Nagala soo xiriir
dhacdo@gmail.com ama
dhacdo@hotmail.com