Home Wararka Maanta Dowladda Mareykanka oo sheegtay inay duqeyn ku dishay xubno ka tirsan Al...

Dowladda Mareykanka oo sheegtay inay duqeyn ku dishay xubno ka tirsan Al Shabaab

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa 11-kii bishan September duqeyn la beegsaday saldhig Ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose oo 37 mile dhanka galbeed ka xiga magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntan si gaar ah loola beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Shabaab, islamarkaana uu ku dilay laba xubnood, halka mid kalena uu ku dhaawacay.

Taliska Mareykanka Afrika ayaa sidoo kale sheegay baaritaano ay sameeyeen kadib inay ku ogaadeen inaanay jirin khasaare dadka rayidka ah ka soo gaaray duqeyntan.

“Iyadoo la kaashanayo dowladda Soomaaliya, ciidamada Maraykanku waxay sameeyeen duullaan ay ku bartilmaameedsadeen Al Shabaab meel 37 mile dhanka galbeed ka xigta magaalada Muqdisho, waxaan ku dilnay laba xubnood, mid kalena waan ku dhaawacnay”. Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Mareykanka.

Warbixinta AFRICOM waxaa lagu sheegay in iyaga oo kaashanaya AMISOM iyo dowladda federaalka ah ay sii wadi doonaan hawlgallada noocan ah islamarkaana dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab uu Mareykanka ka sii wadayo Soomaaliya.

Madaxwenaha dalka Mareynkanka Donal Trump ayaa bishii April ee sanadkan saxiixay xaalad deg deg ah oo looga dan leeyahay in lagu kordhiyo weerarada dhanka cirka ah ee ka dhanka ah Al Shabaab.

SHARE