Home Wararka Maanta Dowladda Jabuuti oo joojisay duulimaadyadii kaga imaan jiray Magaalada Muqdisho

Dowladda Jabuuti oo joojisay duulimaadyadii kaga imaan jiray Magaalada Muqdisho

Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa waxay maanta shaaca ka qaaday inay joojineyso duulimaadyadii kaga imaan jiray Magaalada Muqdisho, sababo ku aadan xagga ammaanka.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti, ayaa waxaa lagu sheegay laga bilaabo maanta inay Jabuuti joojisay duulimaadyadii kaga imaanaayay Magaalada Muqdisho, illaa waqti aan la cayimin.

Bayaanka, ayaa waxaa lagu sheegay in Jabuuti ay ka feejigan tahay weeraro argagaxiso oo xagjiriinta ay ka gaystaan gudaha dalkeeda, sidaasi daraadeedna ay u hakisay duulimaadyadii ka imaanaayay Muqdisho.

Tani, ayaa waxay u muuqataa mid jawaab u ah digniin uu Mareykanku ka soo saaray suurtagalnimada weeraro argagaxiso oo ka dhaca wadanka Jabuuti.

Mareykanka, ayaa muwaadiniintiisa ku sugan dalkaasi ku wargeliyay inay taxadar badan muujiyaan, haddii xaalad adag la soo deristana ay la xiriiraan Safaaradda uu ku leeyahay Caasimadda Jabuuti.

Go’aanka ay qaadatay Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa waxaa uu saamayn wayn ku yeelan doonnaa dadka ku sugan Magaalada Muqdisho, ee duulimaadyada joogtada ihi ku tagga Magaalada Djibouti.

SHARE