Home Wararka Maanta Donald Trump oo shaqada ka eryay xoghayihiisii arrimaha Dibadda Rex Tillerson

Donald Trump oo shaqada ka eryay xoghayihiisii arrimaha Dibadda Rex Tillerson

Madaxweyne Donald Trump, ayaa ka qaadey xilkii xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Rex Tillerson, isagoo ku badaley Mike Pompeo oo ah madaxa Hay’adda sirdoonka ee CIA-da.

Trump ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay fariin uu ugu mahadcelinayo xoghaye Tillerson shaqadii uu soo qabtey, isagoo dhanka kale sheegay in xogyaha cusub uu qaban doono shaqo cajiib ah.

Tillerson, oo ahaa Madaxii hore ee shirkadda Exxon Mobil, ayaa loo magacaabay jagadan sanad uun kahor.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Gina Haspel, iney noqoto haweeneydii ugu horeysay oo madax ka noqota hey’adda sirdoonka CIA-da.

Waxaa jiray warar sheegaya inay jireen kala aragti duwanaansho Rex Tillerson iyo Aqalka Cad, iyadoo Mareykanku uu wajahayo xaalad sugnaansho la’aan la xiriirta siyaasaddiisa arrimaha dibedda, gaar ahaan dalalka Kuuriyada Waqooyi iyo Iiraan.

Bishii October ee lasoo dhaafey, Tillerson ayaa ku qasbanaaday inuu qabto shir jaraa’id, si uu u beeniyo warar sheegayey inuu doonayo inuu is casilo.

SHARE