Home Dhacdooyinka Dhageyso: Shabaab oo iska indho tiray dadkii ay ku xasuuqeen Muqdisho

Dhageyso: Shabaab oo iska indho tiray dadkii ay ku xasuuqeen Muqdisho

Ururka Al Shabaab, ayaa iska indho tiray 27 qof oo shacab ahaa oo maalintii Axada ay ku laayeen Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii nin ka tirsan uu isu qarxiyay gaadiid rakaab siday.

Ninkan oo la socday gaari uu noociisu ahaa Spacio, ayaa qorsheynayay in uu isu qarxiyo kolonyo uu la socday Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) oo maraayay inta u dhaxeyso Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ex Kulliyaddii Jaalle Siyaad. Waxaanu weerarkan dhacay, xilli uu ka soo laabtay munaasabad lagu qabtay Xarunta Gaashaandhiga, oo uu xilka kula wareegaayay.

Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, C/casiis Abuu Muscab, ayaa sheegay in weerarkaasi lala eegtay kolonyadii uu saarnaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, isagoo intaa ku daray in la weeraray, mar uu ka soo baxay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, oo xafladdii ka dhacday uu xilka kula wareegay.

Afhayeenka, ayaa xusay in Taliyuhu uu ka badbaaday weerarkaasi, balse ay ku dhinteen 10 ka mid ah Saraakiishii iyo Ciidamadii la socotay, sida uu yiri.

C/casiis Abuu Muscab, ayaa sheegay in Dowladda Somaliya ay mar labaad soo magacawday General Cirfiid. Mar uu horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga, ayuu sheegay in ay fashiliyeen, hadana ay markale fashilin doonaan, sida uu yiri.

Dhanka kale Abuu Muscab oo la hadlayay Radio Alfurqaan, ayaan marnaba soo hadalqaadin dadkii masaakiinta ahaa, ee ay weerarkaasi ku laayeen.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane, ayaa sheegay in hadafka Shabaabku uu ahaa, in ay dhibaateeyan shacabka oo keliya, isla-markaana ay gaareen hadafkoodii.

SHARE