Home Dhacdooyinka 20 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Gobolka Sh/hoose

20 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Gobolka Sh/hoose

Labaatan qof, ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhimatay qarax galabta ka dhacay Deegaanka Golweyn, oo qiyaastii 15km u jira Degmada Buulo Mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Qaraxan, ayaa waxaa uu ka dhashay miino wadada dhinaceeda lagu aasay, iyadoona uu haleelay gaari caasi/home ahaa, oo ay la socdeen rakaab.

Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Ammaanka ee Gobolka Shabellaha Hoose, Cali Nuure Maxamed, ayaa xaqiijiyay in dhammaanba rakaabkii la socday gaarigaasi ay dhinteen, marka laga soo taggo darawalkii gaariga oo ka badbaaday.

Gudoomiye Kuxigeenka, ayaa tibaaxay in miinada ay wadada ku aaseen dagaal-yahanada mayalka adag ee Al Shabaab, iyagoo uu ujeedkoodu ahaa in ay la beegsadan kolonyada Ciidamada Amisom.

Cali Nuure Siyaad, ayaa qiray in muddooyinkii ugu dambeysay ay qaraxyada ku soo badanayeen Gobolka Shabellaha Hoose, taasoo ka dhalatay Ciidanka Xoogga Dalka oo ku yaraaday Gobolkaasi, ka dib markii la siyaasadeeyay shaqadii ay ka wadeen, sida uu yiri.

Sidoo kale Ciidamada Amisom ee ka hawlgala Gobolka Shabellaha Hoose, ayuu sheegay in ay yareeyeen dhaq dhaqaaqyadooda, isla-markaana ay xeryahoodu ku uruureen.

Deegaanka Golweyn, ayuu sheegay in ay inta badan maamulan maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana ay xoog kaga gudbaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom.

Ilo wareedyo, ayaa ku waramaya in gaariga uu qaraxu haleelay uu siday rakaab ku wajahnaa Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Shabellaha Hoose, ayaa waxaa marar badan ka dhacay qaraxyo sidaan oo kale u haleelay gaadiid ay saaran yihiin rayid.

SHARE