Home Wararka Maanta Dhaawacyadii Turkiga loo qaaday oo Muqdisho lagu soo celinaayo

Dhaawacyadii Turkiga loo qaaday oo Muqdisho lagu soo celinaayo

Qaar ka mid ah dhaawacyadii loo qaaday dalka Turkiga ee ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, ayaa la filayaa in maanta dib loogu soo celiyo Magaalada Muqdisho.

Dadkaan oo helay daryeel caafimaad ayaa loo gartay in dalkooda hooyo lagu soo celiyo, maadaama dhaawacyadii cuslaa ee ay qabeen qaarkood ay ka bogsadeen.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah e Soomaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) oo hadal kooban ku soo qoray Facebookiisa ayaa sheegay in ay u mahadcelinayaan Dowladda Turkiga oo kaalin weyn ka qaadatay sidii gar gaar loogu fidin lahaa dhaawacyadan.

“Waxaan u mahadcelinayaa Turkiga oo dhaawacyadii darnaa ay 10 ka mid ah bogseedeen oo maanta ay ku soo laabanayaan dalkooda hooyo.” Ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Dhaawacyada la soo celinaayo ayaa ah 10 ka mid ah dadkii masiibadii Zoobe ku waxyeeloobay, waxaana la filayaa masuuliyiin ka tirsan dowladda in Garoonka Muqdisho ay ku soo dhaweeyaan.

Dadka la soo celinaayo ayaa magacyadooda waxa ay kala yihiin.

1.Ismaaciil Ibraahim Maxamed

2.Maxamed Ashkir Cawaale

3.C/salaam Cusmaan Saalax

4.Mahad Cabdi Sheekh

5.Maxamed Cali Wehliye

6.C/qaadir Maxamed Cabdulle

7.Istar Cali Maxamed

8.Mursal Sheekh Axmed

9.Cali Maxamuud Maxamed

10.Faaduma Xaaji Cali

SHARE