Home Wararka Maanta DEG DEG:Hoobiyeyaal caawa laga maqlaayo Muqdisho

DEG DEG:Hoobiyeyaal caawa laga maqlaayo Muqdisho

Dhawaqa tiro madaafiic ah ayaa caawa laga maqlayaa Degmooyin ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Dadka reer Muqdisho ayaa si wayn u maqlaayo madaafiicda Magaalada ka dhaceysa, waxaana wararka ay sheegayaan degmooyin kala duwan inay ku dhaceen madaafiicda.

Degmooyinka Hodan,Hawlwadaag,Xamar weyne iyo Boondheere ayaa la sheegayaa inay madaafiicda ku dhaceen.

Jahwareer ayaa ka taagan Magaalada gudaheeda iyo cabsi xooggan oo ay dareemayaan dadka Magaalada ku nool.

Illaa hadda ma cadda khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay madaafiicda Caawa laga maqlaayo Magaalada Muqdisho gudaheeda.

SHARE