Home Wararka Maanta Qarax Ismiidaamin oo duleedka Muqdisho lagula eegtay Amisom

Qarax Ismiidaamin oo duleedka Muqdisho lagula eegtay Amisom

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Waydoow ee duleedka Magaalada Muqdisho, qarax gaari loo adeegsaday ayaa goor dhaw wuxuu ka dhacay halkaasi.

Qaraxan ayaa wararka waxa ay sheegayaan in lala eegtay kolonyo ciidamada Amisom oo maraayay labaajada deegaanka Waydoow, halkaasi oo la soo warinaayo inuu ka dhashay khasaare.

Gaariga qaraxa Ismiidaaminta loo adeegsaday ayaa noociisa wuxuu yahay NOAH, waxaana ka xeynaayay ruux naftii halige ah, kaasi oo goobta ku geeriyooday.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka oo la hadlay Dhacdo.com ayaa waxa ay sheegeen in khasaare kale uusan ka dhalan qaraxaasi, marka laga reebo ruuxii waday gaariga ismiidaamiyay.

Goobta qaraxa Ismiidaaminta uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Saraakiisha ciidamada ammaanka, waxaana ay xireen goobta iyadoo uu socdo Baaritaan.

Ciidamada Amisom ee qaraxa Ismiidaaminta lala eegtay ayaa ka yimid dhanka wadada Afgooye, waxaana ay u soo socdeen Magaalada Muqdisho.

SHARE