Home Wararka Maanta Abuu Mansuur oo isa soo dhiibay

Abuu Mansuur oo isa soo dhiibay

Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, ayaa lagu soo waramayaa inuu isku soo dhiibay maamulka Koonfur Galbeed sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Koonfur Galbeed.

Taliyaha ciidamada Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Shiine Macalin Nuurow, ayaa Dhacdo.com u xaqiijiyay in Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu isku soo dhiibay Maamulka.

“Wuu isa soo dhiibay Roobow Xudur, ayaana hadda joognaa si nabad ah ayuuna ku joogaa wadaadka.” Ayuu yiri Shiine Macalin Nuurow Taliyaha Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Nuuradiin Yuusuf Abuukar oo ah afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay ciidamadii uu watay Abuu Mansuur inay ku sugan yihiin duleedka deegaanka Abal, balse Abuu Mansuur oo wata ciidan yar ay isku soo dhiibeen Maamulka.

Wuxuu sheegay Saraakiisha ugu sareysa ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Bakool iyo Saraakiisha ciidanka gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed inay hadda ku wada sugan yihiin Degmada Xudur oo Roobow lagu haayo.

“Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo sanadihii dambe ku sugnaa deegaanka Abal, ayaa saaka go’aansaday inuu saaka isku soo dhiibo Maamulka Koonfur Galbeed ee garabka Militari ka helaayo ciidanka Dowladda, Abal ayuu iska soo dhiibay ciidanka dowladda ayuu hadda la socdaa.” Ayuu yiri Afhayeenka oo u waramay Idaacada Risaala.

Wasiirka amniga Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Eelay, ayaa sheegay inay qabanayaan Shirjaraa’id oo ay ku faah faahinayaan isa soo dhiibitaanka Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa Dowladda Mareykanka waxa ay madaxiisa dul dhigtay lacag dhan Shan Milyan oo Dollar, sanadkii 2012-kii, xilligaasi oo Shabaab ay iclaamiyeen in ay ku biireen Al-Qaacidda, balse Mareykanka ayaa ka qaaday Liiskii xayiraada ee la saaray.

SHARE