Home Wararka Maanta Darawal Mooto Bajaaj oo Muqdisho lagu dilay

Darawal Mooto Bajaaj oo Muqdisho lagu dilay

Magaalada Muqdisho waxaa wali ka sii socda dilalka loo gaysanaayo wadayaasha mootooyinka Bajaajta ee Magaalada ka dhex shaqeysta.

Caawa fiidkii ayaa halka loo yaqaan isgoyska Iveco ee wadada Warshadaha waxaa lagu dilay nin watay mooto bajaaj, xilli halkaasi ay xirnayd.

Askari ka tirsan ciidamada SAMMA ee qaabilsan amniga Muqdisho ayaa xabad ku dhuftay ninka watay mooto Bajaajta, kadib markii askariga iyo wadaha mooto Bajaajta ay wada murmeen.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in maydka ninkii watay mooto Bajaajta uu daqiiqado halkaasi uu yaalay, waxaana gacanta lagu dhigay askarigii dilka gaystay.

Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo xiran ayaa ciidamada xiray wadooyinka si wanaagsan aysan ula dhaqmin bulshada.

Tan iyo markii la guda galay Bisha barakeysan ee Ramadaan Muqdisho waxaa ka dhacay dilal badan oo loo gaystay wadayaasha mootooyinka Bajaajta.

SHARE