Home Wararka Maanta (SAWIRRO)Dakadda Muqdisho oo laga soo saaray haraadiga Biraha Maraakiib bur burtay

(SAWIRRO)Dakadda Muqdisho oo laga soo saaray haraadiga Biraha Maraakiib bur burtay

Dakadda Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa laga soo saaray Haraadiga Biraha Maraakiib horay ugu bur burtay halka ay ku soo xirtaan Maraakiibka Agabka kala duwan keenta Dakadda.

Shirkadda Al-Bayrak oo gacanta ku haysa Dakadda Magaalada Muqdisho, ayaa fulisay hawlgalkaan oo ay ku soo saareen biro aad u waaweyn, kuwaasi oo yaalay dhulka hoose ee goobta Maraakiibta ay ku soo xirtaan.

Shaqaalaha Shirkadda Al-Bayrak oo isticmaalaayay Wiish wayn, ayaa la arkaayay iyaga oo soo saaraya Biraha waaweyn ee Badda dhex yaalay.

Masuuliyiinta Dakadda Magaalada Muqdisho waxa ay sheegeen biraha la soo saaray inay ahaayeen haraadiga Maraakiib ku bur burtay dakadda Magaalada Muqdisho.

Waxa ay sheegeen birahaasi inay caqabad ku ahaayeen Maraakiibta qaar oo ay adkeyd inay ku soo xirtaan Dakadda, balse hadda lagu guuleystay in la soo saaro.

Dakadda Magaalada Muqdisho ayaa hadda waxaa ka socda horumar kala duwan oo ku aadan hanaanka shaqada Dakadda.

SHARE