Home Wararka Maanta Dagaal Ciidanka Dowladda iyo Shabaab ku dhexmaray Koonfur Galbeed

Dagaal Ciidanka Dowladda iyo Shabaab ku dhexmaray Koonfur Galbeed

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal Ciidanka Koonfur Galbeed oo kaashanaya Ciidanka Dowladda iyo ururka Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ceel-garas oo 90-KM ujira degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Ciidanka Koonfur Galbeed oo Howlgal amni xaqiijin ah ka wada deegaanka ay la kulmeen weerar gaadmo ah oo Mintidiinta Al-shabaab uga yimid, halkaasi waxaa ku dhexmaray Dagaal culus.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ayaa Dhacdo.com u xaqiijiyay in Ciidanka Dowladda ay iska difaaceen raggii weerarka soo qaaday, ayna jiraan khasaare Shabaab ay ku gaarsiiyeen weerarkan.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan Shabaabkii weerarka soo qaaday in ay dib u gurteen.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa dhaq dhaqaaq ciidan ka bilaabay qaybo ka mid ah goobaha uu dagaalka ka dhacay, si ay u dardar geliyaan dagaalka lagula jiro Maleeshiyada Al-Shabaab.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhawaan sheegay inay ka go’an tahay, sidii ururka Al-Shabaab looga saari lahaa Deegaanada Koonfur Galbeed.

SHARE