Home Dhacdooyinka Dadka reer Muqdisho oo bilaabay in ay gawaarida iska iibiyan, baqdin awgeed

Dadka reer Muqdisho oo bilaabay in ay gawaarida iska iibiyan, baqdin awgeed

Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, ayaa bilaabay in ay dib isaga sii iibiyaan baabuurtooda, ka dib markii ay magaalada ku soo badatay qaraxyada lagu soo xiraayo gaadiidka gaarka loo leeyahay.

Sanadihii ugu dambeeyay, ayay dadka reer Muqdisho si aad ihi u iibsanayeen gaadiidka, iyadoo Dekeda Muqdisho lagala soo degay boqolaal kun oo gawaari ah, oo rayidku ay leeyihiin.

Laakiin dadkii aadka u iibsanaayay gaadiidka waxay qaarkood bilaabeen in ay dib isaga sii iibiyan, si ay uga badbaadaan qaraxyada rakibka/dhejiska loo yaqaano ee baabuurta lagu xiro.

Qaar ka mid ah dadka dib isaga sii iibiyay gawaaridooda, ayaa Dhacdo.com u sheegay inaanay iyaga iyo hantidooduba halmeel ku wada dhiman karin.

Nin kasta oo gaari iska leh wuxuu ku khasban yahay in maalintii uu dhawr goor qarax ka fiiriyo gaarigiisa, si uu u xaqiiqsado inaanan qarax loogu xirin.

“Haddii meel yar dhigato baabuurka, inta aadan soo raacin waxay danta kuugu kalifaysaa inaad hoos gasho gaariga, kana fiiriso in qarax lagugu xiray iyo in kale.” Ayuu yiri mid ka mid ah dadka degan Magaalada Muqdisho, oo magaciisa u qariyay sababo amni.

Ururka Al Shabaab, ayaa maalmihii la soo dhaafay culeys xoogan soo saaray Magaalada Muqdisho, waxaana magaaalada ku kordhay qaraxyada iyo dilalka qorsheysan.

Tani, ayaa waxaa loo maleynaya in ay salka ku hayso cabsida xoogan ee la soo deristay bulshada ku nool Xarunta Somaliya.

Madaxweynaha Somaliya oo Arbacadii ka hor hadlayay Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa Shabaabka ku eedeeyay in habeen iyo maalinba ay dilayan shacbiga Somaliyeed, iyagoo aan u kala saareen rag iyo dumar, carruur iyo ciroole, culimo iyo caamo, intaba.

SHARE