Home Wararka Maanta Dad ku dhintay madaafiicda lagu weeraray Villa Somalia

Dad ku dhintay madaafiicda lagu weeraray Villa Somalia

Dhawr qof, ayaa ku dhintay, dhawr kalena way ku dhaawacantay madaafiicdii maanta lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Somaliya ee Magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan oo tiradoodu lagu sheegay illaa saddex xabo, ayaa ku soo kala dhacay Madaxtooyada, Khabuuraha Sheekh Suufi iyo xaafadda Fiyooraha.

Labada madfac ee ku kala dhacay Sheekh Suufi iyo Fiyooraha, ayaa sababay dhimashada saddex ruux iyo dhaawaca afar kale, iyadoo dhammaanba dadkaasi ay rayid yihiin.

Shaqaalaha caafimaadka ee gurmadka deg-degga, ayaa dhibane-yaasha ka daadgureeyay halkaasi, iyagoona u qaaday xarumaha caafimaadka ee magaalada ku yaala.

Illaa iyo hadda lama soo sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay madfaca keliya ee gudaha ugu dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Shabaabka hubeysan ee ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka Somaliya, ayaa sheegtay masuuliyadda madaafiicda ka hor Salaaddii Casar ee maanta lagu weeraray Aqalka Madaxtooyada.

Masuuliyiinta laamaha amniga, ayaan weli ka hadlin tirada madaafiicda ahi ee maanta loo tuuray dhinaca Qasriga Villa Somalia iyo sida ay mintidiinta ugu suurtagashay.

Madaafiicdan, ayaa waxay ku soo beegmayan, xilli Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu booqasho ku jooggo Puntland.

SHARE