Home Wararka Maanta Dab caawa ka kacay Suuqa Bakaaraha

Dab caawa ka kacay Suuqa Bakaaraha

Dab xoogan, ayaa caweysnimadii caawa ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyadoona ay iminka socoto dadaalo lagu doonayo in dabka lagu baqtiiyo.

Dabkan, ayaa ka kacay agagaarka Suuqa Khaliifa, waana goobta ay ku badan yihiin harqaamada/dawaarada dharka lagu tolo. Goobta gubaneysa waa isla goobtii bishii February uu dabka ka kacay.

Waxaa hadda soconayo dadaalo lagu doonayo in dabkaasi lagu demiyo. Kooxaha gurmadka deg degga ee dab demiska oo gaaray halkaasi, ayaa wada dadaalo ay dabka uga hortaggan in dhul hor lihi uu ku fidiyo.

Dadka deegaanka iyo ganacsatada goobaha gubanaya, ayaa sidoo kale ka qayb qaadanaya dabka demintiisa.

Dabka oo bilowday qiyaastii 10:20 ee caawa, ayaa demintiisa waxaa sii dhaareeyay gawaarida dabka demiska oo biyihii ay ka go’een, iyagoona dib biyo uga doontay xarumahooda.

Dhanka kale Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida Gobolka Banaadir, ayaa amniga suggaya, waxaana lagu arkayaa wadooyinka soo gala Suuqa Bakaaraha.

Ciidamada, ayaa doonaya in ay ka hortaggan in laga faa’iideysto dabka, boobna lagula kaco goobaha ganacsi ee ku yaala Bakaaraha.

Si kastaba ha-ahaatee illaa iyo hadda lama garanayo waxa dhaliyay dabkaasi, balse waxaa la’isla dhex maraya warar sheegaya in dabka uu ka dhashay koronto.

SHARE