Home Dhacdooyinka Daawo Sawirada: Qaraxii xooganaa ee xalay ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama

Daawo Sawirada: Qaraxii xooganaa ee xalay ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama

Waa tiro sawirran ah oo muujinaya qaraxii xooganaa ee fiidnimadii xalay ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ka dhacay inta u dhaxeyso Hotelka Ambassador iyo Garaashka Xaaji Baasto, ayaa waxaa ku dhimatay saddex qof, iyadoo lix kalana ay ku dhaawacantay.

Warar is khilaafsan, ayaa ka soo baxaya waxa dhabta ahi ee dhaliyay qaraxaasi. Wararka qaar waxay sheegayan in uu ka dhashay gaari wadada maraayay oo hal nin uu la socday, halka warar kalana ay sheegayan in gaarigu uu ahaa mid wadada dhinaceeda la dhigay.

Ciidamada ammaanka oo goobta gaaray, ayaa waxaa la arkaayay iyagoo ka qayb qaadanaya gurmadkii loo fidiyay dhibane-yaasha, oo goobaha caafimaadka la gaarsiiyay.

Ciidamada, ayaa dib u fasaxay isu socodkii gaadiidka, ka dib muddo hal saac ah oo ay wadada u xirneyd, markii shaqaalaha nadaafadda wadooyinka ay wadadaasi nadiifiyeen.

Saraakiisha laamaha amniga, ayaan weli ka hadlin qaraxan, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadiisa.

Qaraxan waxa uu ku soo beegmaya xilli maalintii Axada uu qarax xoogan ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama, iyadoo ay ku dhimatay in ka badan toban ruux, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacantay.

Billihii ugu dambeeyay waxaad mooddaa inay qaraxyada ku soo badanayen Wadada Maka Al Mukarama, oo ah midda ugu mashquulka badan ee Magaalada Muqdisho.

SHARE