Home Dhacdooyinka Daawo Sawirada: Qaraxii ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama

Daawo Sawirada: Qaraxii ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama

Waa sawirran muujinaya qaraxii maanta ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho, kaasoo gaystay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo mid maaliyadeedba isugu jira.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa galaaftay nolosha toddobo ruux iyo dhaawaca 15 kale, balse Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab), Afhayeenka Wasaaradda Amniga, ayaa Warbaahinta u sheegay in shan qof ku dhimatay qaraxaasi, toban kalana ay ku dhaawacantay.

Afhayeenka, ayaa sheegay inay ka xun yihiin in maalinta kasta ay Shabaabku dhibaateeyan shacabka Somaliyeed, ayna dhibsanayan waxyeelada ay u gaysanayan bulshada.

“Waan ka xunahay, waan ka tiiraanyaysanahay, waana dhibsanaynaa shacabkeena inay maalin walba khasaaro u gaystaan qolodaas burcad diimeedka Shabaabka loo yaqaano.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Waxaa uu soo hadalqaaday in goobta uu qaraxu ka dhacay ay ku sugnaayen dad rayid oo keliya, isagoo meesha ka saaray in qof ka tirsan dowladda uu goobtaasi joogay, xilligii uu qaraxu dhacayay.

“Maanta waad u jeedeen meeshaas qof masuul ah ma joogin, qof dowladda ka tirsan ma joogin, waxaa joogay shacabka Somaliyeed oo ganacsigoodii watay, baabuurtoodii raaxada watay, ayay nimankaa iyaga ah beegsadeen.” Ayuu yiri Axmed Maxamed Maxamuud.

Sayid Carab, ayaa tilmaamay in ciidamada ammaanka ay xoojiyeen amniga Magaalada Muqdisho, balse waxaa uu qiray in cadowgu uu xilliyada qaarkood gaysan karo falal liddi ku ah nabadgelyada.

“Ciidanka amniga ee Dowladda Federaalka Somaliya waxaad ogtihiin inay gacan bira Caasimadda amnigeeda ku qabteen. Waxaan idin sheegaya mar khasaaro wuu dhici karaa oo cadowga meel buu fursad ka heli karaa, laakiin waxaan u sheegaya shacabka Somaliyeed in amnigoodii ay ciidamada amniga suggeen, wayna sii suggi doonaan, hadduu Ilaahay raali ka noqdo.” Ayuu yiri Sayid Carab.

Xilligii uu qaraxu dhacayay, ayaa waxaa la sheegay in gaarigii qarxay uu si caadi ah ugu socdaalayay inta u dhaxeyso Saldhiga Booliska Degmada Waaberi iyo Hotelka Maka Al Mukarama.

Goobta uu qaraxu ka dhacay, ayaa waxaa ku yaala goobo ganacsi oo aad looga dukaameysto, waxaana jira burbur goobahaasi ka soo gaaray qaraxa, waxaa kaloo jira gaadiid ku gubtay qaraxaasi. Goobjooge-yaal ayaa sheegay in mashquul uu ka jiray wadada, markii uu qaraxu dhacayay.

Waxaan jirin cid illaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda qaraxan, iyadoo uu qaraxu ku soo beegmayo, xilli muddo bil ka badan aanay Caasimaddu ka dhicin wax qaraxyo ah.

SHARE