Daawo Sawirada: Portugal oo ku guuleysatay Koobka Qaramada Yurub

Portugal ayaa khasaare hor leh kala kulmay kulankii France, markii kabtan Cristiano Ronaldo dhaawac looga saaray kulanka finalka Euro 2016 ,laakiin gool muhiim ah ayay heleen waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta, iyadoo kubada Eder uu dhaliyay ay ku qaadeen tartanka Euro 2016.

Weeraryahanka Real Madrid Ronaldo ayaa ka baxay garoonka isagoo ilmeynaya daqiiqadii 25-aad kulankii Paris ‘Stade de France, sideed daqiiqo kadib markii uu dhaawac jilibka gaarsiiyay laacibka France Dimitri Payet.

France, ayaa ugu cad cadeed in ay ku guuleystaan tartankaan, waxay awoodi waayeen inay ka badiyaan Portugal oo Ronaldo ka maqan yahay, inkastoo ay ku dhawaadeen in ay ku guuleystaan dhamaadka waqtiga caadiga ahaa ee ciyaarta, Andre-Pierre Gignac oo bedel ku soo galay ayaana ku sigtay in uu hogaanka u dhiibo xulkiisa.

Raphael Guerreiro ayaa birta ku dhuftay kubad awood badan, Eder ayaa kubad joog hooseysa ah oo uu ka soo laaday meel 25-yard u jirta goolka waxa uu si awood leh ku dhaafiyay goolhaye Hugo Lloris.

Guud ahaan ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 1-0, iyadoo 120 daqiiqo la ciyaaray ,waa markii ugu horeysay France ciidooda looga qaaday koobka.

Rikoorada Ciyaarta ka dhacday

1) Portugal ayaa ku guuleysatay tartanka Championship markii ugu horeysay kadib 35 kulan oo ay ka ciyaareen tartankan

2) Waa xulkii 10-aad ee kala duwan Porugal ee ku guuleysato Euro

3) Eder oo bedel ku soo galay ciyaarta, waa xidigii lixaad ee gool kama dambays ah European Championship ka dhaliya isagoo bedel ku yimaada, waxaa ka horeeyay Oliver Bierhoff, Sylvain Wiltord, David Trezeguet, Juan Mata iyo Fernando Torres.

4) Portugal ayaa noqday xulkii ugu horeeyay tartanka Euro sadex jeer ku guuleysata waqtiga dheeriga ah ee ciyaarta.

Portugal Portugal (1) Portugal (2) Portugal (3) Portugal (4) Portugal (5) Portugal (6) Portugal (7) Portugal (8) Portugal (9) Portugal (10) Portugal (11) Portugal (12) Portugal (13) Portugal (14) Portugal (15) Portugal (16) Portugal (17) Portugal (18) Portugal (19)


Nagala soo xiriir
dhacdo@gmail.com ama
dhacdo@hotmail.com