Daawo Sawirada: Dhibaatada ay qabaan dadka reer Muqdisho

Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho, ayaa qaba dhibaato aanan u muuqan mid wax laga qabanaayo, iyadoo dadweynaha ay arintaan u arkaan mid lagu caburinaayo Bulshada ku nool caasimada.

Dhibaatada ay qabaan Bulshada ayaa ah xirnaanshaha wadooyinka Magaalada Muqdisho iyo in xilligii la doono la xirto wadooyin muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka ee Magaalada Muqdisho.

Wadada ugu mashquulka badan Muqdisho oo ah wadada Maka Al-Mukarama ayaa maalmihii la soo dhaafay dhibaatada ugu weyn ee ku soo korodhay waxa ay tahay in ciidamada Booliska ay xirtaan Isgoyska Dabka oo ah meel saxmad badan.

Xilliyada qaar waxaa jirta, iyadoo Baarlamaanka Somaliya uusan kulan ku laheyn Muqdisho in dhowr Askari oo Booliska ka tirsan iska xirtaan wadooyinka, gaadiidkana si hoose lacago uga qaataan.

Inta badan Xilliyada galabtii ah ayaa Askar ka tirsan Booliska ay xirtaan wadada, Mootooyinka Bajaajta waxa ay ka qaadaan lacago yar yar, kadibna waa ay fasaxaan, halka dadka wata gaadiidka yar yar ee nooca raaxada ahna lacago laga qaado.

Gabi ahaanba gaadiidka Biel-ka ee dadweynaha ay raacaan waa laga mamnuucay inay maraan wadada horumarta Xarunta Baarlamaanka dalka oo gaadiidkaasi waxa ay ku eeg yihiin Isgoyska Sayidka.

Dowladda Somaliya oo waqtigeeda uu dhamaaday ayaa sii kordhisay caburinta ay ku hayso Bulshada, xilli dalka uu xilligaan la daala dhacaayo dhaqaale daro xoogan.

xirnaansho-1 xirnaansho-2 xirnaansho-3 xirnaansho-4 xirnaansho-5 xirnaansho-6 xirnaansho-7 xirnaansho-8 xirnaansho-9 xirnaansho-10 xirnaansho-11 xirnaansho-12 xirnaansho-13 xirnaansho-14 xirnaansho-15


Nagala soo xiriir
dhacdo@gmail.com ama
dhacdo@hotmail.com