Home Dhacdooyinka Daawo Sawirada: Ciidamada isku dhafka ee Gaalkacyo loo samaynayo

Daawo Sawirada: Ciidamada isku dhafka ee Gaalkacyo loo samaynayo

Magaalada Gaalkacyo, ayaa Isniintii tababar looga furay ciidan boliis oo isku dhaf ah, kana kala socda Maamulada Galmudug & Puntland, si ay uga shaqeeyan xasiloonida Xarunta Gobolka Mudug.

Ciidamadan oo 50 askari ka kooban, ayaa labada maamul laga soo kala xulay min 25 askari, waxaana loo tababaraya suggida nabadgelyada iyo inay ka hortaggan cid kasta, oo dhibaato u horseedi karta dadka deegaanka.

Munaasabad tababarka loogu furaayay ciidamadan, ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey), Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey), Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqameedyo iyo Saraakiil ka kala socotay Qaramada Midoobe iyo Midowga Afrika.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, ayaa munaasabadda ka sheegay in ay u baahan yihiin inta ay gacmaha is wada qabsadaan, inay socod ku dhex maraan Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in la doonayo in si wadajira dadka deegaanka loogu sheego inay yihiin dad walaalo oo nabad ah, wax dambe oo colaad ahna aanay jirin.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo munaasabadda soo xiray, ayaa yiri “Waxaan qabaa inaan kalmad iraahdo Mudug ama Gaalkacyo, cudurkaaga la arag ee caafimaadkaaga hala arko.”

C/xakiin Camey, ayaa fursadani ku sheegay mid muhiim u ah dhammaanba umadda Somaliyeed, waxaana uu ku baaqay in nabadda Gaalkacyo laga wada qayb qaato.

SHARE