Home Dhacdooyinka Daawo Sawirada: Booqashada Farmaajo ee Magaalada Cadaado

Daawo Sawirada: Booqashada Farmaajo ee Magaalada Cadaado

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa maanta markii ugu horeysay booqasho ku tagey Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa Magaalada Cadaado kaga qaybgalay xaflad lagu caleemo saarayay Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xuseen (Xaaf).

Madaxweynaha Somaliya oo saakay ka amba baxay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Cadaado, waxaana xubnihii ku soo dhaweeyay horkacayay Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha oo ka hadlayay xafladdii lagu caleemo saaray Madaxweynaha Galmudug, ayaa soo hadalqaaday fashilka ku yimid wada hadaladii lagu doonayay in Galmudug iyo Ahlu Sunna la isugu soo dhaweeyo.

“Markii aan rabnay inaan heshiisiino Galmudug iyo Ahlu Sunna, intii aanan bilaabin labada dhinac inaan heshiisiino ayaa Guddoomiyihii iyo Gudoomiye Kuxigeenkii Baarlamanka Galmudug dhaheen intaan labada dhinac la heshisiin marka hore anaga hanala heshiiisiiyo, markaan heshiisiiinay ayaa wakhtiga nagu yaraaday, in aan u gudubno dib u heshiisiinta Ahlu suna iyo Galmudug.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweynaha, ayaa yiri “Madaxda halkan fadhida ha iska ilaaliyaan khilaafka dhexdooda ah. Khilaafka waxaa keena waa dan shakhsiyadeed, waxaan rajeynaya inaan khilaaf ka dhicin Xaaf iyo Baarlamankiisa ka dibna aanu keeno Ahlu Sunna.”

Dhanka kale Maxamed C/laahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa Madaxda Galmudug iyo Puntland ugu baaqay in ay ka shaqeeyan nabadgelyada Magaalada Gaalkacyo.

“Waxaan ka codsanaya amaba aan kula dardaarmaya Madaxweyne Xaaf iyo Madaxweyne Gaas, oo aan ogahay labadooda inay yihiin nabadoono inay ka shaqeeyan magaaladaasi dadka walaalaha ah ee degan inay isu furaan, haddii ay siyaasiyiintu heshiiyan waxaan aaminsanahay shacabkuna waa heshiinayan.” Ayuu yiri Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa intaa raaciyay “Haddaad aragtan magaalo kala xiran iyo ummad aan isu tageynin madaxdii baana heshiis ahayn.”

Xafladan, ayaa waxaa ka soo muuqday Madaxweyne-yaasha Koonfur Galbeed, Jubbaland, Puntland, Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Wakiilka Qaramada Midoobe ee Somaliya, Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya iyo masuuliyiin kale.

SHARE