Home Wararka Maanta C/raxmaan Faroole oo weeraray Somaliland (Dhageyso)

C/raxmaan Faroole oo weeraray Somaliland (Dhageyso)

C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole), Madaxweynihii hore ee Puntland, ayaa waxa uu ka hadlay xiisadda u dhaxeysa Somaliland & Puntland, oo ka dhalatay markii Somaliland la wareegtay Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

C/raxmaan Sheekh Maxamed, ayaa wax aad u xun ku tilmaamay tallaabada ay Ciidanka Somaliland maalintii Isniinta kula wareegeen gacan ku haynta Deegaanka Tukaraq, isla-markaana uu cambaaraynayo.

“Waxaa aad iila xun oo aan cambaaraynayaa duulaanka bisha 8-deedii Ciidamada Somaliland Tukaraq ku qabsadeen, iyadoo maalintaas Garoowe dabaaldeg ka jiro, oo garoonkii diyaaradaha ugu horeeyay oo laami ah magaalo madaxda Puntland laga furay, oo mashruuc qiimo leh ah. Madaxweynihii Somaliya, Mudane Maxamed C/laahi Farmaajana uu jooggo, laguna soo dhaweeyay.” Ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

C/raxmaan Faroole oo gelinkii dambe ee Arbacadii shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe, ayaa hoosta ka xariiqay inaanan qabsashada Tukaraq lagu macnayn karin mid ka dhan ah booqashada uu Madaxweyne Farmaajo ku tagey Garoowe.

Dhanka kale Faroole, ayaa dhaliilay hadalkii uu Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas uu hal habeen ka hor kaga jawaabay qabsashada Deegaanka Tukaraq iyo jawaabtii uu shalay ka bixiyay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax.

Faroole, ayaa Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay in uu waan-waan nabadeed ka sameeyo xiisadda ka aloosan Tukaraq, isagoo u hogaansamaya soo jeedintii Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. Michael Keating, ee ahayd in la qaboojiyo xiisadda.

SHARE