Home Wararka Maanta C/qaybdiid oo macluumaad hor leh ka bixiyay weerarkii gurigiisa lagu qaaday

C/qaybdiid oo macluumaad hor leh ka bixiyay weerarkii gurigiisa lagu qaaday

Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ah Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee dalka, ayaa maanta bixiyay macluumaad cusub oo ku saabsan weerarkii lagu qaaday gurigiisa Magaalada Muqdisho.

C/qaybdiid oo ka hadlaayay xarunta Golaha Aqalka Sare, ayaa wuxuu sheegay macluumaadkii gurigiisa lagu weeraray inuu ahaa mid qaldan, kadib markii ciidankii Imaaraadka ee weerarka gurigiisa fuliyay loo sheegay xog ku saabsan in guriga uu ku sugnaa ninkii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Xogtaasi qaldan ayaa wuxuu sheegay inay bixisay Hay’adda Nabad Suggida Somaliya, islamarkaana weerarka ay fuliyeen ciidamada Imaaraadka uu tababaro ee ka soo baxay Xerada Ciidanka ee Jeneraal Goordan.

Saddex bil kadib wuxuu sheegay C/qaybdiid kiiska baaritaanka dhacdadii lagu weeraray gurigiisa in aanan laga hayn natiijo sax ah, wuxuuna cadeeyay inuusan ku qanacsaneyn guddigii dowladda ay u xil saartay kiiska baaritaanka arrintaasi.

Senator C/qaybdiid ayaa dalbaday in la cadeeyo cidda leh masuuliyadda weerarkii lagu qaaday gurigiisa Magaalada Muqdisho, inkastoo weerarka ay fuliyeen ciidamada Imaaraadka.

Maalintii uu dhacay weerarkaasi waxaa la xiray ciidamadii weerarka fuliyay, iyadoo maalmo kadib xabsiga laga sii daayay ciidankaasi.

SHARE