Codeynta Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo goor dhow bilaabatay (SAWIRRO)

Waxaa goor dhaweyd Xarunta Golaha Shacabka Somaliyed ka bilaabatay Codeynta Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaaka Somaliya oo ay u taagan yihiin afar Musharax.

Guddoomiyaha KMG ee Baarlamanka dalka Cismaan Cilmi Boqore iyo C/raxmaan Ducaale Bayleh ayaa bilaabay codeyntii ugu horeysay ee Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka.

Xildhibaanada saxiixay Buuga Isxaadirinta Golaha Shacabka waa Xildhibaano gaaraya 256 Xildhibaan, taasi oo macnaheeda ay tahay in Xildhibaanada codeynaya ay tiradaasi yihiin.

Sida Guddiga Doorashada ay shaaciyeen Doorashada ayaa noqonaysa saddex Wareeg, iyadoo Wareega ugu dambeeya lagu kala bixi doono cod hal dheeri ah.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa iminka si toos ah u codeynaya.

Wixii ku soo kordha Doorashada la soco

codeynta-1 codeynta-2 codeynta-3 codeynta-4


Nagala soo xiriir
dhacdo@gmail.com ama
dhacdo@hotmail.com