Home Wararka Maanta Ciidanka Nabad Sugidda Jubbaland oo soo bandhigay Miinooyin dhulka lagu aasay (SAWIRRO)

Ciidanka Nabad Sugidda Jubbaland oo soo bandhigay Miinooyin dhulka lagu aasay (SAWIRRO)

Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Jubbaland ee NISA ayaa soo bandhigay waxyaabha qarxa oo ay sheegeen in lagu aasay Gobolka Jubbada Hoose.

Hawlgal ay sameeyeen Ciidamada Jubbaland ayaa waxa ay Miinooyin nuuca dhulka lagu aaso ah ka soo saareen inta u dhexeeysa deegaanada Muuse Xaaji iyo Araare ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Nabad Sugidda Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in miinooyinka ay gaarayaan ilaa 4 xabo, islamarkaana aysan jirin cid wax ku noqotay inta uu hawlgalkan socday.

Ciidanka Jubbaland oo ay wehliyaan kuwa Kenya ayaa halkaasi ka wada hawlgal ka dhan ah Mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maalmo kahor amray in la kordhiyo dagaalka ka dhanka ah Shabaab, si looga saaro deegaanada ay ku harsan yihiin.

SHARE