Home Wararka Maanta Ciidamo ka tirsan Turkiga oo qarax lagu dilay

Ciidamo ka tirsan Turkiga oo qarax lagu dilay

Ugu yaraan laba askari oo ciidamadaTurkiga ayaa lagu dilay weerar bambaano ah oo ka dhacay barxadda Kurdistan ee Shaqaalaha (PKK) ee ku taal gobolka koonfur galbeed ee dalka ee Batman.

Qaraxa ayaa dhacay ka dib markii PKK ay qarxiyen bambo waddada dhinaceeda lagu aasay  markii kolonyo ciidamo militari ah ay dhexmarayeen agagaarka baadiyaha  degmada Sason.

Ciidamada ammaanka Turkiga ayaa bilaabay hawlgallo dhulka iyo hawada ah si ay u ugaarsadaan kooxaha PKK ee ka dagaalamo gobolka oo dhan.

Turkiga ayaa ku dhawaaqay in Ururka PKK uu yahay  urur argagixiso ah, waana uu ka mamnuucay gudaha dalkaasi .

Kooxda PKK  ayaa isku dayeysa inay raadiso Dowlad Goboleed ka madax bannaan Turkiga  illaa 1984.

Xabbad joojin  u dhaxaysay Kooxda PKK iyo dowladda Turkiga ayaa bur burtay  bishii July ee sannadka 2015.

Tan iyo waqtigaa wixii ka dambeeyay waxaa kordhay weerarrada ciidamada ammaanka ee Turkiga lagu soo qaadayo.

Dhawrkii bilood ee la soo dhaafay, ciidamada dhulka iyo ciidamada cirka Turkiga ayaa fulinaayay hawlgallo ka dhan ah kooxda PKK ee gobalka koonfur bari ee waddanka iyo sidoo kale waqooyiga Ciraaq iyo Syria.

SHARE