Home Wararka Maanta Ciidamo ka tirsan Millitariga Somaliya oo caawa lagu weeraray Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Millitariga Somaliya oo caawa lagu weeraray Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Millitariga Somaliya oo watay gaari nuuca dagaalka ah gaar ahaan Cabdi Bile ayaa caawa waxaa lagu weeraray nawaaxiga Warshadda Caanaha ee Magaalada Muqdisho caasimadda Somaliya.

Rag hubeysan ayaa Ciidamadan oo halkaasi marayay waxa ay ku rideen qoriga 7-ka, kaasi oo si weyn looga maqlay xaafadaha ku hareereysan Warshadda Caanaha, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamada Millitariga ee la weeraray ayaa intaasi kadib waxa ay rideen rasaas fara badan oo ay uga jawaabeen ragga soo weeraray ee loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin xoogaga ururka Al-shabaab, kuwaasi oo goobta ka baxsaday.

Si dhab ah looma oga 7-ka ay rideen Dabelyda hubeysan inuu ku dhacay gaariga iyo in kale, maadaama xilli habeen ah ay tahay, xaqiiqada jirtana aanan la ogaan karin.

Saraakiisha Ciidanka Millitariga weli kama aanay hadlin weerarkan caawa dhacay, bale wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya halkaasi ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada ay wadaan baaritaano amni xaqiijin ah.

Mararka qaar waxaa dhaca weeraro gaadmo ah oo isugu jira Qaraxyo iyo dilal oo ururka Al-shabaab ay ka geystaan Magaalada Muqdisho, ilaa hadda Ciidanka Dowladda lama imaan qorshe cad oo ay kaga hortagayaan weerarada gudaha Magaalada ay ka geysanayaan Shabaab.

SHARE