Home Wararka Maanta Ciidamada Somaliland oo badbaadiyay canug suuli lagu riday (SAWIRRO)

Ciidamada Somaliland oo badbaadiyay canug suuli lagu riday (SAWIRRO)

Ciidamada Dab Damiska Somaliland ayaa maanta soo badbaadiyay canug yar oo umul ahaa, ka dib markii lagu dhex riday suuli.

Dhacdadan oo argagax gelisay bulshada ayaa waxay maanta ka dhacday xaafadda October ee Magaalada Hargeysa.

“Maanta waxaa inoo timid haweeney inaga codsatay in suuli la siiyo, markii ay gashay, ayna baxday waxaan maqalnay canug ooynaaya, inagana waxaan ku wargelinay Ciidamada Dab Damiska.” Ayay tiri haweeney u hadashay dadkii guriga deganaa.

Ciidamada Dab Damiska oo suuliga burburiyay ayaa ka soo saaray canugii yaraa, iyagoona u qaaday goobaha caafimaadka, si lagula tacaalo xaaladiisa caafimaad.

Canugan oo 24 saac oo keliya dhalnaa ayaa waxaa kiiskiisa la wareegay Ciidamada Dembi Baarista Somaliland.

SHARE