Home Wararka Maanta Ciidamada Militariga Gobolka Hiiraan oo ka feejigan weeraro kaga yimaado Shabaab

Ciidamada Militariga Gobolka Hiiraan oo ka feejigan weeraro kaga yimaado Shabaab

Saraakiisha Ciidamada Militariga Somaliya ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay inay ku jiraan feejignaan sareysa oo ku aadan weeraro kaga yimaada dhanka Ururka Shabaab ee Somaliya ka dagaalama.

Shabaab muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen weerarada ay la beegsanayaan Xeryaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ay ku sugan yihiin, iyadoo ay jirto cabsida weerarada noocaasi oo kale ah ayaa Saraakiisha Militariga waxa ay sheegeen inay ku jiraa Feejignaan.

Aadan Maxamuud Calasow (Indha Buur) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Militariga Gobolka Hiiraan, ayaa wuxuu tilmaamay in ciidamada lagu wargeliyay ka feejignaanta weeraro kaga yimaado Shabaab.

“Ciidanka kuli waa loo sheegay waa ay feejigan yihiin Shabaab waan ognahay xeryo ciidan oo badan ayeey weerareen, marka qaybteena Gobolka Hiiraan Saraakiisha waa ay ku wargeliyeen feejignaantaasi ciidanka.” Ayuu yiri Indha Buur.

Xeryo ciidan oo ku yaala Magaaloyin ka mid ah Somaliya ayeey weeraro kala duwan ku qaadeen Ururka Shabaa, iyaga oo dilay ciidamo Militarig Somaliya ka tirsan.

Al Shabaab oo shaqo kale aanan qaban ayaa beegsada kaliya Saldhigyada ciidamada Militariga Somaliya iyo Amisom ay ku leeyihiin Gobolada dalka Somaliya.

SHARE