Home Wararka Maanta Ciidamada Kenya oo Macalin Dugsi & laba arday ku dilay Ceelwaaq

Ciidamada Kenya oo Macalin Dugsi & laba arday ku dilay Ceelwaaq

Ciidamada Kenya ayaa lagu soo waramayaa in deegaanka dabacity ee hoostagga Ceelwaaq Kenya ay ku dileen Macalin Dugsi Qur’aan iyo laba arday.

Dadka deegaanka ayaa sheegay Macalinka oo ku sugan goobtiisa Dugsiga ay u yimaadeen Ciidamo ka tirsan Militariga Kenya, kadibna ay jirdileen.

Intaasi kadib Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in rasaas ay la dhaceen Macalinka Dugsiga iyo labada arday.

Macalimka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Saadaam Macalim Aways, halka labada wiil ee lala dilay oo walaallo ahaa lagu kala magacaabi jiray Cali Ibraahim Xasan iyo Siyaad Ibraahim Xasan.

Dadka deegaanka ayaa si wayn uga argagaxay falkaan dilka ah ee dhacay, waxaana la sheegay maydadka Macalinka iyo labadii arday in loo soo qaaday dhanka Ceelwaaq Somaliya.

Ciidamada Kenya ayaa xilliyada qaar tacadiga noocaan oo kale ah waxa ay ka gaystaan deegaanada Koonfurta Somaliya iyo dhulka ku xeeran xuduuda.

SHARE