Ciidamada Faransiiska oo hawlgal ka sameeyay Bartamaha Magaalada Paris (Daawo Sawirada)

Ciidamada Faransiiska, ayaa maanta hawlgal ka sameeyay Bartamaha Magaalada Paris, markii ay soo baxeen warar sheegaya in halkaasi uu ka dhacay waxa lagu sheegay weerar argagixiso.

Tani waxay ka dambeysay markii goobjoogayaal ay Ciidamada Booliska ku wargeliyeen in rasaas ka dhaceyso Kaniisadda Saint-Leu, isla-markaana afduub ahaan loogu haysto tiro dad ah.

Ciidamada ammmaanka oo jawaab deg deg ah ka bixiyay farriinta soo gaartay, ayaa buuxiyay aaggii rasaasta iyo afduubkaba laga soo sheegay, inkastoo warkaasi uu markii dambe noqday mid been abuur ah.

Boqolaal ka mid ah Ciidamada kala duwan ee nabadgelyada, ayaa waxaa la arkaayay iyagoo soo dhoobtay wadooyinka soo gala Kaniisadda Saint-Leu, waxa ayna xireen wadooyinkaasi.

Sarkaal u hadlay Booliska Magaalada Paris, ayaa sheegay inaysan jirin cid afduub ahaan loogu qabsaday Caasimadda Faransiiska, isla-markaana uu ammaanku yahay mid aad u wanaagsan. Waxaa kaloo uu sheegay inaanay jirinba rasaas ka dhacday xeendaabka Kaniisadaasi.

Madaxweynaha Faransiiska, François Hollande, ayaa horey xaalad deg deg ah ugu soo rogay dalkaasi, ka dib Ururka Daacish oo sheegtay weeraro kala duwan oo Faransiiska ka dhacay.

French police secure the area next to the Saint Leu church during a security operation on Saturday in a shopping district of Paris, France, September 17, 2016. REUTERS/Philippe Wojazer

French police secure the area next to the Saint-Leu church during a security operation on Saturday in a shopping district of Paris, France, September 17, 2016. REUTERS/Philippe Wojazer

French police secure the area next to the Saint-Leu church during a security operation on Saturday in a shopping district of Paris, France, September 17, 2016. REUTERS/Philippe Wojazer

paris3

TAKEN WITHOUT PERMISSION Hostage situation in Paris

paris5

paris6

paris7

TAKEN WITHOUT PERMISSION Hostage situation in Paris

paris9

paris91

paris92

paris93

paris94


Nagala soo xiriir
dhacdo@gmail.com ama
dhacdo@hotmail.com