Home Wararka Maanta Ciidamada Burundi oo ka baxaya deegaano muhiim ah oo Shabellaha dhexe ka...

Ciidamada Burundi oo ka baxaya deegaano muhiim ah oo Shabellaha dhexe ka tirsan

Maamulka Hirshabelle ayaa shaaciyay deeganada Ciidamada Amisom ay ka baxayaan ee ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe. 

Midowga Afrika ayaa qorsheeyay kun askari oo ka mid ah Ciidamada Amisom, gaar ahaan kuwa Burundi inay ka baxaan Somaliya, taasi oo dood badan dhalisay, balse go’aan kaasi Midowga Afrika ay ku adkeysteen.

Cabdi Qaadir Aadan Jeelle oo ah Wasiirka amniga Hirshabelle, ayaa kulan uu la qaatay Senatarada ka soo jeeda deeganada Hirshabelle waxa uu u sheegay walaaca ay ka qabaan ka bixista Ciidamada Amisom.

28-ka Bishan ayaa lagu wadaa in Ciidamada Burundi oo Amisom ka tirsan ay ka baxaan deeganada kala ah Raagge Ceele, Xaaji Cali & Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha dhexe.

Deeganadaasi ciidamada Amisom ay ka baxayaan illaa hadda looma haayo Ciidan bedela oo la qorsheeyay si ay u sugaan ammaanka, maadaama Shabaab qatar badan galin karaan dhulkaasi amnigooda.

Wasiirka amniga Hirshabelle ayaa sidoo kale walaaca ay ka qabaan deeganada Ciidamada Burundi laga saarayo amnigooda, wuxuu la wadaagay Senatarada ka soo jeeda Gobolka Shabellaha dhexe.

Al Shabaab ayaa deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe ku sugan, waxayna tani u arkayaan fursad haddii Ciidamadan ay ka baxaan deeganada Hirshabelle.

SHARE