Home Wararka Maanta Ciidamada Booliska oo caawa hawlgal ka wada Degmada Waaberi

Ciidamada Booliska oo caawa hawlgal ka wada Degmada Waaberi

Ciidamada ammaanka dowladda Federalka Somaliya ayaa waxa ay caawa hawlgal ka wadaan Xaafadaha Degmada Waaberi qaarkood.

Ciidamo badan oo Boolis ah ayaa lagu soo daadiyay xaafadaha kala duwan ee Degmada Waaberi, halkaasi oo ay ku baarayaan dadka & gaadiidka.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Dhacdo.com u sheegay hawlgalka inuu ka socdo xaafadaha Buundooyinka ee Degmada Waaberi oo dhalinyarada lagu qab qabanaayo.

” Baaritaan ayaa caawa xaafadda ka socda oo guryaha & gaadiidka lagu baarayaa buundooyinka, Unisheefta iyo xaafadaha kale ee Degmada Waaberi ayeey baarista ka socotaa.” Ayuu yiri qof dadka deegaanka ka mid ah.

Booliska ayaa habeenadii dambe bilaabay hawlgalada baarista ah ee Degmooyinka Gobolka Banaadir laga sameeyo.

SHARE