Dhacdooyinka

Amina Maxamed oo u tartami doonto Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika

Amina Maxamed oo u tartami doonto Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, haweeneyda lagu magacaabo Amina Maxamed, ayaa waxaa lagu wadaa in bisha January ay u tartanto jegada madaxtinimada ee Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika. Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Kenya, ayaa Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda u magacaabay inay u tartanka Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika, doorashada lagu wado in bisha January ka qabsoomto Magaalada Addis Ababa. Madaxweynaha […]

Madaxweyne Xasan oo iska indho tiray farriintii Culimada Somaliyeed (Dhageyso)

Madaxweyne Xasan oo iska indho tiray farriintii Culimada Somaliyeed (Dhageyso)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si buuxdo u taageeray qoondada dumarka laga siiyay Labada Aqal Baarlamaanka, maalin ka dib markii Culima’udiinka Somaliyeed qaarkood, ay ku baaqeen in laga fiirsado qoondadaasi. Madaxweynaha Somaliya, ayaa sheegay in siyaasad qaran oo leesla qaatay, ay tahay saamiga haweenka laga siiyay Baarlamaanka, isla-markaana aanay ahayn wax ay cid […]

SAWIRRO: Shabaab oo soo bandhigay meydadka askar Kenyan ah

SAWIRRO: Shabaab oo soo bandhigay meydadka askar Kenyan ah

Barraha ku hadla afka Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa lagu baahiyay sawirraan muujinaya meydadka laba ka mid ah Ciidamada Kenya, ka dib markii ay Shabaabku ku soo bandhigeen Fagaaraha Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe. Askartan, ayaa ka mid ahayd illaa lix askari oo Ciidamada Kenya ka tirsan, oo Xoogaga Al Shabaab ay ku dileen […]

Meydka General Goobaale oo Salaadda Janaasada lagu tukaday (SAWIRRO)

Meydka General Goobaale oo Salaadda Janaasada lagu tukaday (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley tukashada salaadda jannaasada ee marxuum S/Guuto Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale oo shaley ku shahiiday magaalada Muqdisho, isagoo gudanaya waajibaadkiisa qaran. Madaxweynaha oo hadal kooban jeediyay tukashada salaadda kadib ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa geesi ka wada dhintey shacabka Soomaaliyeed, naftiisana u huray […]

General Indhacade: Shabaab waxa keliya ee looga guuleysan karo waa dagaal

General Indhacade: Shabaab waxa keliya ee looga guuleysan karo waa dagaal

General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade), ayaa waxaa uu sheegay in Ururka Al Shabaab looga adkaan karo oo keliya in lala dagaalamo, maadaama ay colaado hurinayaan. General Yuusuf Maxamed Siyaad, ayaa sheegay inuu aqoon durugsan u leeyahay Ururka Al Shabaab, isla-markaana looga adkaan karo dagaal oo qura, haddii la doonaayo in la soo afjaro mintidiinta. “Al […]

General Indhacade oo Dowladda Somaliya ku eedeeyay inay dayacday General Goobaale

General Indhacade oo Dowladda Somaliya ku eedeeyay inay dayacday General Goobaale

General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade), ayaa waxaa uu ka hadlay weerarkii abaabulnaa, ee maalintii shalay lagu dilay Allaha u naxariistee General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale). Yuusuf Maxamed Siyaad, ayaa marka hore sheegay in Sarkaalkaasi iyo rag kalaba, ay hormuud u ahaayeen gulufkii Ururka Al Shabaab looga saaray gobolo badan, oo ay ku sugnaayeen. “General Goobaale […]

Abuu Muscab: Dowladdu way ku adkaan doontaa inay hesho bedelkii Goobaale

Abuu Muscab: Dowladdu way ku adkaan doontaa inay hesho bedelkii Goobaale

C/casiis Abuu Muscab, Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa uu ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ee Axadii lagu dilay General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale), Taliyihii Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Afhayeenka, ayaa sheegay in gaari uu la socday nin ka tirsanaa Al Shabaab uu beegsaday gaari kale oo uu saarnaa Taliyaha, halkaana sida uu […]

SAWIRRO dheeraad: Weerarka qorsheysan ee lagu dilay General Goobaale

SAWIRRO dheeraad: Weerarka qorsheysan ee lagu dilay General Goobaale

Waa sawirro muujinaya weerarkii qorsheysnaa ee Axadii lagu dilay Allaha u naxariistee Taliyihii Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale). Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, uuna la socday naftii halliga ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa beegsaday gaari Cabdi Bille ahaa oo uu la socday Taliyaha, waxaana la dhimatay lix […]

Daawo Sawirada: General Goobaale oo lagu dilay ismiidaamin ka dhacday Magaalada Muqdisho

Daawo Sawirada: General Goobaale oo lagu dilay ismiidaamin ka dhacday Magaalada Muqdisho

Taliyihii Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale), ayaa waxaa maanta lagu dilay weerar ismiidaamin oo ka dhacay Magaalada Muqdisho. Weerarkan, ayaa gaar ahaan ka dhacay nawaaxiga Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga oo ku taala Degmada Hodan, markii gaari uu watay lagu dhuftay gaari kale oo uu la socday nin ka tirsan Al […]

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir oo sharuud ku xiray in la xaqiijiyo amniga Magaalada Muqdisho

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir oo sharuud ku xiray in la xaqiijiyo amniga Magaalada Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Bishaar Abshir Geedi, ayaa sharuud ku xiray in la xaqiijiyo amniga guud ee Magaalada Muqdisho. Taliyaha, ayaa dalbaday in adkeeyo ammaanka Degmooyinka Kaaraan iyo Hodan, isagoo markaasi ballanqaaday in uu xaqiijin doono amniga qaybaha kale ee Degmooyinka Gobolka Banaadir. Taliyaha, ayaa wuxuu sheegay in Ururka Al Shabaab oo keliya […]