Dhacdooyinka

Maxaa laga filan karaa doorashooyinka Somaliya?

Maxaa laga filan karaa doorashooyinka Somaliya?

Marka aad si dhow u eegto qaabka lagu soo xulayo Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa laga filan karaa rajo beel uun, haddii musharaxiinta lagu soo xulaayo lacagaha faraha badan ee ay adeegsanayan, oo waxa socdaa aysan ahayn doorasho xalaal ah. Doorashooyinkan waxay is hortaag ku noqonayan dadkii waddaniyiinta ahaa, ee laga filan […]

Caasha Xaaji Cilmi oo weerartay Madaxweyne Guuleed iyo dhaqankii Beesha Saleebaan oo la bahdilay

Caasha Xaaji Cilmi oo weerartay Madaxweyne Guuleed iyo dhaqankii Beesha Saleebaan oo la bahdilay

Caasha Xaaji Cilmi, afada Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa si adag u weerartay Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ka dib markii la musuq maasuqay kursigii Jufada Gaabane ee Beesha Saleebaan, Habargidir, kaga soo aaday qoondada dumarka. Caasha Xaaji Cilmi, ayaan shalay Magaalada Cadaado uga qaybgelin tartanka kursigaasi, ka dib markii […]

Duqa Muqdisho oo la sheegay inuu Xildhibaanimo u raadinayo Wadaad xagjir ah

Duqa Muqdisho oo la sheegay inuu Xildhibaanimo u raadinayo Wadaad xagjir ah

Abuukar Yaxye oo ka mid ah waxgaradka Beesha Daa’uud, Abgaal, ayaa si kulul Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) ugu eedeeyay inuu Xildhibaanimo u raadinayo Wadaad xagjir ah. Abuukar Yaxye, ayaa tilmaamay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir in uu u ololeynayo Maxamed Axmed Beerey, oo beel ahaan ka soo jeeda […]

Halyeey qaran oo qoyskiisii la ciilay

Halyeey qaran oo qoyskiisii la ciilay

Dowladda Dhexe Somaliya, ayaa si khalafsan ula dhaqantay qoyska Allaha u naxariistee Abaan Duulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan), oo 1-dii bishii November ee sanadkii hore lagu dilay weerarkii, ay Ururka Al Shabaab ku qaadeen Hotel Saxafi ee Bartamaha Magaalada Muqdisho. Tan iyo markii la xaqiijiyay geerida naxdinta badan ee […]

Waa kuma Macalinka Jaamacadeed ee qaraxa lagula eegtay Magaalada Muqdisho?

Waa kuma Macalinka Jaamacadeed ee qaraxa lagula eegtay Magaalada Muqdisho?

C/weli Baadi Maxamed oo barre ka ah Jaamacadda Plasma ee Magaalada Muqdisho, ayaa Talaadadii si xun ugu dhaawacmay qarax miino oo loogu soo xiray gaarigiisii. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane, ayaa Warbaahinta u sheegay in ay liidato xaaladda caafimaad ee C/weli Baadi Maxamed. C/weli Baadi Maxamed, ayaa Jaamacadda Plasma ka dhigaayay Kulliyadda International […]

Gacan ku dhiigle lagu xiray Magaalada Muqdisho

Gacan ku dhiigle lagu xiray Magaalada Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska oo Isniintii Magaalada Muqdisho ku dilay askari kale oo ka tirsanaa Ciidanka Militariga, ayaa waxaa lagu wareejiyay Hay’adda Dembi Baarista CID. Askariga dilka gaystay, ayaa ka tirsanaa Ilaalada Gudoomiyaha Degmada Wadajir, Axmed Cabdulle Afrax, waxaana Hay’adda CID u gacangeliyay Gudoomiye Afrax. Korneyl Bishaar Abshir Geedi, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, […]

Sheekh C/raxmaan Shariif oo difaacay qoondada dumarka

Sheekh C/raxmaan Shariif oo difaacay qoondada dumarka

Sheekh C/raxmaan Shariif oo ka mid ah Culima’udiinka Somaliyeed, kuwooda ku nool Waqooyiga Mareykanka, ayaa si wayn u difaacay qoondada dumarka laga siiyay Labada Aqal Baarlamaanka (30%). Sheekh C/raxmaan Shariif, ayaa naqdiyay qaraarka ay soo saartay Hay’adda Culimada Somaliyeed, waxaana uu ku sheegay shay aan xilligan munaasab ku ahayn waqtiga lagu soo beegay. Sheekh C/raxmaan […]

Sheekh Shaakir: Dowladda iyo Shabaab lama kala yaqaan

Sheekh Shaakir: Dowladda iyo Shabaab lama kala yaqaan

Madaxweynaha maamulka Gobolada Dhexe ee Ururka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa sheegay in aanan la kala aqoonin Ururka Al Shabaab iyo Dowladda Federalka Somaliya oo ay noqdeen, kuwa isku dhex milmay. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa wuxuu sheegay Dowladda Federalka Somaliya inay shaqaaleysiisay xubno Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo ka howlgala […]

Amina Maxamed oo u tartami doonto Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika

Amina Maxamed oo u tartami doonto Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, haweeneyda lagu magacaabo Amina Maxamed, ayaa waxaa lagu wadaa in bisha January ay u tartanto jegada madaxtinimada ee Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika. Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Kenya, ayaa Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda u magacaabay inay u tartanka Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika, doorashada lagu wado in bisha January ka qabsoomto Magaalada Addis Ababa. Madaxweynaha […]

1 2 3 35