Home Wararka Maanta Cali C/laahi Xuseen (Guudlaawe) oo loo doortay Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabelle

Cali C/laahi Xuseen (Guudlaawe) oo loo doortay Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabelle

Xildhibaanada Baarlamaanka ee Maamulka Hirshabelle, ayaa waxay gelinkii dambe ee maanta ay Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulkaasi u doorteen Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Cali C/laahi Xuseen, ayaa codad badan kaga guuleystay musharaxii kale ee la tartamaayay waa Cali Xasan Taakow, ka dib markii uu helay 86 cod, halka Cali Xasan Taakow uu isna helay 10 cod oo keliya.

Cismaan Barre Maxamed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in Cali Guudlaawe uu yahay Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulkaasi.

Taakow, ayaa ugu hambalyeeyay Cali Guudlaawe guusha uu ka gaaray doorashada, waxaana uu u mahadceliyay Xildhibaanadii wax dooratay.

Isla galabta, ayay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle dooratay Madaxweynaha Maamulkaasi, oo ay u doorteen Cali C/laahi Cosoble.

Talaadada, ayaa waxaa la fillayaa in la caleemo saaro Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Mr. Cosoble iyo Ku Xigeenkiisa Guudlaawe.

Ammaanka Magaalada Jowhar, ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana magaalada laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo dhinaca dadka iyo weliba ganacsiga. Hoteelada Jowhar waxaa buuxiyay wafuud meelo kala duwan isaga kala timid.

SHARE