Home Wararka Maanta Cabsi wayn oo ka jirta Xarunta Xalane

Cabsi wayn oo ka jirta Xarunta Xalane

Xaalad cabsi wayn ah ayaa ka jirta Xarunta Taliska Ciidamada Amisom ee Xalane, waxaana si wayn loo yareeyay dhaqdhaqaaqa galitaanka gaadiidka iyo Shaqaalaha Xaruntaasi sida maalinlaha ah u taga.

Arrintaan ayaa ka dambeysay, kadib markii ay soo baxday xog la xiriirta weeraro iyo qaraxyo lagu qaadi rabo xarunta Xalane, waana midda keentay in heegan buuxda la galiyo dhamaan ciidamada ku qoran waardiyaha xaruntan.

Saraakiil Somali ah ayaa Dhacdo.com u xaqiijiyay in xittaa maanta la mamnuucay gaadiidka Amisom ee Banaanka ka imaanaya inay gudaha Xerada Xalane soo galaan, sababo ku aadan cabsida wayn ee jirta.

Wararka qaar ayaa sheegayaa in Shaqaalaha ku sugan gudaha Xarunta Xalane loo diray farriimo digniin ah oo ku aadan inay jirto cabsidaasi, waxaana heegan buuxda la galiyay dhamaan ciidamada Amisom.

Saraakiisha Somalida ah waxa ay sheegeen in la helayo xogta ku aadan weeraro Shabaab ay soo qaadi rabaan, inkastoo aanan la ogeyn nooca iyo gaadiidka weeraradaasi ay u soo addeegsan doonaan, balse digniintaan ayaa saaka soo baxday.

Al Shabaab ayaa dhawr mar isku dayay inay weerar ku qaadaan Xarunta Taliska ciidamada Midowga Afrika Amisom Xalane, sidoo kalena ay ku yaallaan Safaarado ay leeyihiin dalalka reer Galbeedka.

SHARE