Home Wararka Maanta Cabsi ka jirta xarumaha Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir

Cabsi ka jirta xarumaha Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir

Cabsi ayaa ka jirta xarumaha Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir, kadib markii shalay qarax gaari loo adeegsaday lagu weeraray Xarunta Degmada Warta Nabadda ee Magaalada Muqdisho.

Horay Shabaab waxa ay u qarxiyeen Xarumaha Degmooyinka Wadajir, Hawlwadaag & Hodan, halkaasi oo ay ku dileen dad badan oo shacab ah, halka shalayna ay qarxiyeen Xarunta Degmada Warta Nabadda.

Xarumaha Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa xilligaan waxaa ka jirta cabsi la xiriirta dhanka ammaanka, waxaana la soo dhigay ciidamo badan oo Boolis ah, si loo adkeeyo ammaanka Xarumahaasi.

Xarumaha qaar ee Degmooyinka ayaa la sheegayaa in durba shalay lagu bilaabay dhismo difaacyo ah oo ka fog xarunta Degmada, si gaadiidka goobahaasi loogu soo baaro, kadibna loogu soo fasaxo xarunta Degmada.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa u sheegay Dhacdo.com in ciidamo dheeraad ah oo Boolis ah la geeyay xarumaha Maamulada Degmooyinka si ammaanka gacan bir ah loogu qabto.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada Qaraxii shalay oo ay ku geeriyoodeen afar ruux oo Shacab ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen xubno ka tirsan Maamulka Degmada Warta Nabadda.

SHARE