Home Wararka Maanta Booliska Somaliya oo toogtay Shabaab dhaawacay askari ka tirsan Ciidanka Dowladda

Booliska Somaliya oo toogtay Shabaab dhaawacay askari ka tirsan Ciidanka Dowladda

Booliska Somaliya ayaa toogasho ku dilay Mintid ka tirsan Al Shabaab oo isgoyska Bakaaraha ku dhaawacay askari ka tirsan ciidanka dowladda.

Ilo wareedyo ayaa waxa ay inoo sheegeen inuu Mooto VIKON ku baxsaday nin kae oo la socday midka la toogtay.

Toogashada ninkan ka tirsan Shabaab ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii iyaga oo baxsad ah ay ka dul dhaceen ciidan dowladda ka tirsan, halkaasina uu ku dhexmaray iska horimaadka lagu toogtay Shabaabka.

Ciidamada ayaa baaris ka bilaabay aagga uu falka ka dhacay, waxayna ku daba jiraan ninka Shabaab ka tirsan ee ku baxsaday Mootada.

Saraakiisha Booliska Somaliya ayaa ciidamada hawlgalkan fuliyay ku aamanay shaqada ay qabteen, waxayna tilmaameen in arrintan ay tahay guul u soo hooyatay ciidamada Booliska.

Ciidamada dowladda ayaa kordhiyay halwgalada ammaanka lagu xaqiijinayo inta lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan.

SHARE