Home Wararka Maanta Booliska Somaliya oo shacabka uga digay Banaanbaxyada sharci darada ah

Booliska Somaliya oo shacabka uga digay Banaanbaxyada sharci darada ah

Taliska Booliska Somaliya ayaa sheegay halwgalada ka socda Magaalada Muqdisho in laga gaaray guulo kala duwan, bacdamaa Labaatameeyo ka tirsan Argagixisada Al Shabaab lagu soo qabtay hawlgallo ka ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Taliye kuxigeenka Booliska Somaliya Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in maanta ciidamada ay Suuqa Bakaaraha ku toogteen Dhagar qabe ka tirsanaa Shabaab oo dhaawacay askari, sidoo kalena ciidamada ay gacanta ku dhigeen nin Shabaab ka tirsan oo qarax gaari kula xiray Shaneemo Somaliya oo ku taalla wadada Maka Al-Mukarama.

Gen. Zakiya ayaa milkiilayaasha guryaha leh uga digtay inay guryahooda ka kireeyaan muwaadiniinta Somaliyed, iyaga oo aan ka soo diiwaangelin Degmada uu guriga ku yaallo.

Waxay kaloo sheegtay Taliye kuxigeenka Booliska Somaliya shacabka qaar in sharciga lala tiigsan doono hadii ay dhigaan Banaanbax sharci daro ah.

Haweeneydan ayaa tilmaamtay inay isbedel keeneen hawlgallo guri guri ah iyo kuwa bartilmaameed ah (Target Operation), oo ka socda Degmooyinka Gobolka Banaadir.

“Waxaan umahadcelineynaa shacabka Somaliyed oo mar walba noo soo gudbiya falalka ka baxsan ammaanka, waxaa xaqiiqo ah inaan la shaqeyn karin shacabka la’aantooda, waxaa socda baaritaano lagu xaqiijinayo ammaanka, loogana hortagayo dhibaatada Argagixisada”. ayay tiri Gen Zakiya.

Booliska Somaliya ayaa shacabka Somaliyed si joogto ah ula socodsiiya dhacdooyinka ammaanka ka baxsan ee Magaalada ka dhaca, taasi oo wax badan ka bedeli karta amniga.

SHARE