Home Dhacdooyinka Booliska Somaliya oo la siiyay diyaarado Drone ah (SAWIRRO)

Booliska Somaliya oo la siiyay diyaarado Drone ah (SAWIRRO)

Ciidamada Booliska Somaliyeed, ayaa waxaa xilligan la siiyay shan xabo oo diyaaradaha wax basaasa ah, si ay ugu adeegsadan dagaalka ay kula jiraan kooxaha nabadiidka ahi.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Reuters, Booliska Somaliyeed waxaa diyaaradahan ugu yaboohay Sarkaal horey uga tirsanaa Sirdoonka Mareykanka, oo lagu magacaabo Brett Velicovich.

Diyaaradahan oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee gacanta laga haggo, ayaa waxay ciidamada ammaanka ka caawin doonaan sahanka iyo helidda macluumaadka ku aadan kooxaha ka dagaalamaya Somaliya.

Sidoo kale diyaaradahan, ayaa waxay askarta ka caawinayan in ay la socdaan weerarada ay maleyagayan Shabaabka hubeysan, ee dagaalka ka wada Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.

Tiro ka mid ah Booliska Somaliyeed, ayaa Magaalada Muqdisho loogu tababaray adeegsiga diyaaradahan casriga ah, iyagoona awoodi kara in habeen iyo maalinba si isu mida ugu hawlgalan.

Mareykanka, ayaa qayb ka ah wadamada Somaliya ka caawinaya la dagaalanka kooxaha argagixisada iyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida.

SHARE