Home Wararka Maanta Bil kadib waa sidee Isgoyska Zoobe oo qaraxii masiibada ahaa ka dhacay...

Bil kadib waa sidee Isgoyska Zoobe oo qaraxii masiibada ahaa ka dhacay (SAWIRRO)

Muddo bil ah ayaa laga joogaa Qaraxii masiibada ahaa ee dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay Isgoyska Zoobe 14-kii Bishii October ee sanadkaan.

Bil kadib Isgoyska Zoobe isbedel ayaa laga dareemayaa oo ku aadan in goobihii ganacsiga dadka ay dhisanayaan, sidoo kalena wadada ay tahay mid caadi ah oo dadka ay ku socdaan.

Laakiin quluubta shacabka Somaliyed kama aysan go’in wixii ka dhacay Zoobe oo ay ku dhinteen dad gaaraya 400 ruux, kuwaasi oo ahaa shacab Isgoyska ku sugnaa.

Dowladda Somaliya muddo bil ah kadib wax natiijo ah kama aysan soo saarin baaritaanka qaraxii Zoobe, sidaas ayaana looga aamusay maatidii lagu laayay Zoobe cidii ka dambeysay iyo Baarista lagu sameeyay.

Hooyooyin badan ayaa asaay ku qaaday, caruur badan ayaa agoon noqday, dad badan oo kalena ehelkooda ayeey ku waayeen masiibada Qaraxii Zoobe.

Inkastoo hadda goobaha ganacsiga Isgoyska Zoobe dib u dhis uu ku socdo, haddana Isgoyska ma’ahan sidii hore oo dadka ay u isticmaali jireen, maadaama cabsidii ka dhalatay Qaraxii Zoobe weli ay taagan tahay.

Masiibadii Qaraxii Zoobe oo mahadho ah ayaa dadka waxa ay yihiin kuwa dareen xanuun badan ka qaaday oo qaarkood weli ay haysato saameyntii ka dhalatay Qaraxii Zoobe.

SHARE