Home Wararka Maanta Baydhabo oo laga mamnuucay dadka ka yimaado deeganada Shabaab ay maamulaan

Baydhabo oo laga mamnuucay dadka ka yimaado deeganada Shabaab ay maamulaan

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa gabi ahaanba laga mamnuucay inay galaan dadka ka soo barakaca deeganada ay maamulaan Ururka Al Shabaab.

Taliyaha Booliska Gobolka Baay Korneyl Mahad C/raxmaan Aadan oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay Booliska inuu soo saaray awaamiir ku qotonta dhanka ammaanka Magaalada Baydhabo.

Wuxuu sheegay dumar iyo ragba inaysan imaan karin Magaalada Baydhabo gudaheeda, ciidamada ammaankana amar buuxa ay u qabaan in daafaha Magaalada ay si adag ugu baaraan dadka soo galaayo Magaalada Baydhabo, halkaasi oo Su’aalo lagu waydiin doono.

Korneyl Mahad C/raxmaan ayaa sheegay xaasaska Al Shabaab inaysan cagta soo dhigi karin Magaalada Baydhabo, ayna joogaan meelaha ay ku sugan yihiin Shabaabka.

“Dadka ka soo qaxaayo meelaha Shabaab ay joogaan, ma soo gali karaan Magaalada, waa Kooxda nabad diidka xaasaskooda, ma soo gali karaan Magaalada daafaheeda ayaa loo joogaa rag iyo Dumarba ma soo gali karaan waa Shabaab meeshii ay horay u joogeen ayeey joogi karaan, waa arimo amniga ku saabsan, arintaana waan sii kordhinaynaa, Xaasaskooda meesha Shabaabka ay joogaan hala joogaan.” Ayuu yiri Taliyaha Booliska Gobolka Baay.

Ciidamada Booliska Magaalada Baydhabo, ayaa sidoo kale waxaa amar lagu siiyay muddo saddex cisho ah Magaalada gudaheeda in aanan lagu arki karin Mooto Bajaaj iyo Mootooyinka kale, haddii la arkana waxaa lagu amray in tallaabo ay ka qaadaan.

Lama garanaayo amarkaan cusub ee Booliska Gobolka Baay ka soo baxay, wuxuu ka bedeli karo ammaanka Magaalada Baydhabo oo hadda gacanta si buuxda ugu hayaan Maamulka Koonfur Galbeed.

SHARE