Shabaab oo hakiyay Ciidamadii Kenya ee isaga baxay Degmooyinka Ceelcadde iyo Badhaadhe, markii ay wadada u galeen

Shabaab oo hakiyay Ciidamadii Kenya ee isaga baxay Degmooyinka Ceelcadde iyo Badhaadhe, markii ay wadada u galeen

Dagaal-yahanada Al Shabaab, ayaa waxay maanta muddo saacado ah ay hakiyeen Ciidamadii Militariga Kenya, ee aroornimadii hore ee saakay isaga baxay Degmooyinka Ceelcadde & Badhaadhe Ee Gobolada Gedo & Jubbada Hoose. Ciidamada Kenya, ayaa waxaa siyaabooyin kala duwan loogu weeraray deegaano ku dhow dhow Xuduuda, xilli ay ku sii jeedeen inay dib dalkoodu ugu laabtaan. […]

Xoogag hubeysan oo galabta nin dhalinyaro ahaa ku dilay Suuqa Bakaaraha

Xoogag hubeysan oo galabta nin dhalinyaro ahaa ku dilay Suuqa Bakaaraha

Xoogag hubeysan oo lala xiriirinaayo Ururka Al Shabaab, ayaa waxay gelinkii dambe ee maanta ay nin dhalinyaro ahaa ku dileen Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho. Goobjooge ku sugnaa qaybta Daawada, ayaa sheegay in Xoogaga dilka gaystay ay dhawr xabadood ku dhufteen ninkaasi, oo jooggi jiray mid ka mid ah boosteejooyinka ku yaala Suuqa Bakaaraha. Goobjoogaha, […]

Militariga Kenya oo ka hadlay sababta ay kaga baxeen Degmooyinka Ceelcadde iyo Badhaadhe

Militariga Kenya oo ka hadlay sababta ay kaga baxeen Degmooyinka Ceelcadde iyo Badhaadhe

Militariga Kenya, ayaa ka hadlay waxa keenay in Ciidamadooda ay isaga soo baxaan Degmooyinka Badhaadhe & Ceelcadde Ee Gobolada Jubbada Hoose & Gedo. Afhayeen u hadlay Militariga Kenya oo lagu magacaabo Korneyl David Obonyo, ayaa dhaq dhaqaaq caadi ah ku tilmaamay, waxa keenay in Ciidamada Militariga Kenya ay isaga soo baxaan Degmooyinkaasi. Afhayeenka oo wareysi […]

Taliyaha Ciidanka Somaliya oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Lugta Sweden (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Somaliya oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Lugta Sweden (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, S/Gaas Maxamed Aadan Axmed,  ayaa maanta ku soo dhaweeyey magaalada Muqdisho, Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Sweden  Brigadier General Stefan Andersson oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho. Labada Taliye oo kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta Wasaaradda Difaaca, ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada ay dawladda Sweden siiso Ciidanka Xoogga […]

Waa kuma ninka keliya ee loo qabtay weerarkii Xeebta Liido?

Waa kuma ninka keliya ee loo qabtay weerarkii Xeebta Liido?

Ismaaciil Muuse Axmed Guuleed oo ah muwaadin Somaliyeed, balse haysta dhalashada dalka Holland, ayaa noqday ninka keliya ee loo qabtay weerarkii habeenkii Khamiista lagu qaaday labada maqaaxi, ee ku yaala Xeebta Liido. Wasiirka Wasaaradda Amniga Somaliya, C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa wuxuu xaqiijiyay in la qabtay ninkii hormuudka u ahaa weerarka dadka rayidka ah lagu laayay, […]

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo la kulmay Madaxweyne Ku Xigeenka Ciraaq (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo la kulmay Madaxweyne Ku Xigeenka Ciraaq (SAWIRRO)

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Muxammad Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo booqasho ku jooga magaalada Baqdaad ee ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka dalka Ciraaq Iyad Allawi. Kulankan oo ka dhacay Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq ayaa waxaa goob joog ka ahaa oo wehliyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi […]

Kenya oo duqayn culus ka gaysatay Gobolka Baay

Kenya oo duqayn culus ka gaysatay Gobolka Baay

Dowladda Kenya, ayaa waxaad mooddaa inay markaan ballaarisay duqeymaha ay ka wado Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, iyadoona maanta garaacday Gobolka Baay. Diyaaradaha Kenya, ayaa waxay maanta garaaceen deegaano hoos-tagga Degmada Diinsoor, xilli deegaanadaasi aanay ku sugnayn dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab. Diyaaradaha dagaalka Kenya, ayaa garaacay deegaanada Raaxoole iyo Qod-qod oo dhaca duleedyada Degmadaasi Diinsoor. Afar […]

Shabaab oo galabta xukun dil ah ku fuliyay nin oday ahaa

Shabaab oo galabta xukun dil ah ku fuliyay nin oday ahaa

Wararka inaga soo gaaraaya Degmada Kunturwaarey Ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in galabta uu Ururka Al Shabaab uu xukun qisaas ah ku fuliyay nin oday ahaa. Ninkan oo da’diisa lagu qiyaasay 60 jir, ayaa waxay Maxkamadda Shabaabku ku xukuntay xukun dil ah, ka gadaal markii ay ku eedeysay inuu Sixiroole ahaa. Ciidanka Xisbada […]