Ciidamada Faransiiska oo hawlgal ka sameeyay Bartamaha Magaalada Paris (Daawo Sawirada)

Ciidamada Faransiiska oo hawlgal ka sameeyay Bartamaha Magaalada Paris (Daawo Sawirada)

Ciidamada Faransiiska, ayaa maanta hawlgal ka sameeyay Bartamaha Magaalada Paris, markii ay soo baxeen warar sheegaya in halkaasi uu ka dhacay waxa lagu sheegay weerar argagixiso. Tani waxay ka dambeysay markii goobjoogayaal ay Ciidamada Booliska ku wargeliyeen in rasaas ka dhaceyso Kaniisadda Saint-Leu, isla-markaana afduub ahaan loogu haysto tiro dad ah. Ciidamada ammmaanka oo jawaab […]

Wararkii ugu dambeeyay Degmada Ceelwaaq iyo cidda hadda ku sugan

Wararkii ugu dambeeyay Degmada Ceelwaaq iyo cidda hadda ku sugan

Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa maanta dib ula wareegay gacan ku haynta Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, ka gadaal markii ay Shabaabku si iskood ah uga baxeen. Afhayeenka Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo, Korneyl Warfaa Sheekh Aadan, ayaa wuxuu xaqiijiyay in Ciidamada Dowladda Somaliya, ay dib ugu laabteen Degmadaasi. Afhayeenka, ayaa sidoo kale sheegay inay degan […]

Maxay tahay sababta loo beegsanayo xaasaska Saraakiisha Al Shabaab?

Maxay tahay sababta loo beegsanayo xaasaska Saraakiisha Al Shabaab?

Afhayeenka Hay’adda Nabad Suggida Jubbaland, Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Carab), ayaa ka hadlay sababta ay u beegsanayaan xaasaska Ururka Al Shabaab, ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose. Afhayeenka oo wareysi siiyay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa marka hore ku waramaya inaysan jirin wax naxariis ah oo kala dhaxeysa Ururka Al Shabaab, […]

Amisom oo sheegtay in hawlgal lagu dilay Sarkaal Shabaab ka tirsan

Amisom oo sheegtay in hawlgal lagu dilay Sarkaal Shabaab ka tirsan

Taliska Ciidanka Midowga Afrika, ayaa waxaa uu sheegay in hawlgal qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose lagu dilay Gudoomiyihii Ururka Al Shabaab ee Deegaanka Awdheegle. Afhayeenka Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, Korneyl Joe Kibet, ayaa sheegay in habeenkii Arbacada ay Ciidamada Dowladda iyo Amisom hawlgal qorsheysan ugu galeen Deegaanka Awdheegle. Afhayeenka, ayaa intaa ku […]

Dowladda Somaliya oo maanta Kenya ku wareejisay James Jimbo oo laga soo furtay burcad badeeda

Dowladda Somaliya oo maanta Kenya ku wareejisay James Jimbo oo laga soo furtay burcad badeeda

James Jimbo oo ah muwaadin Kenyan ah, ayaa waxaa maanta lagu wareejiyay Safaaradda Kenya ay ku leedahay Magaalada Muqdisho, si dib uu ugu laabto dalkiisa. Ninkan, ayaa waxaa Arbacadii xoog looga soo furtay kooxaha burcad badeeda Somalida, oo afduub ahaan ugu haysatay Deegaanka Xin-labi Ee Koonfurta Gobolka Mudug. Soo furashadiisa waxay ka dambeysay markii Ciidanka […]

Madaxweynaha Somaliya oo hambalyo u diray Yoweri Museveni

Madaxweynaha Somaliya oo hambalyo u diray Yoweri Museveni

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, Yoweri Kaguta Museveni oo mar kale loo doortey xilka madaxtinimada dalkiisa. Madaxweynaha Somaliya, ayaa guul u rajeeyay dhigiisa Uganda, kuna guuleysto shaqada adag ee hortaala, dalkiisana uu ku hogaamiyo xasilooni, midnimo iyo barwaaqaba. “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan kugu hambalyeeyo […]

Dowladda Jabuuti oo joojisay duulimaadyadii kaga imaan jiray Magaalada Muqdisho

Dowladda Jabuuti oo joojisay duulimaadyadii kaga imaan jiray Magaalada Muqdisho

Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa waxay maanta shaaca ka qaaday inay joojineyso duulimaadyadii kaga imaan jiray Magaalada Muqdisho, sababo ku aadan xagga ammaanka. Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti, ayaa waxaa lagu sheegay laga bilaabo maanta inay Jabuuti joojisay duulimaadyadii kaga imaanaayay Magaalada Muqdisho, illaa waqti aan la cayimin. Bayaanka, ayaa waxaa lagu sheegay in […]

Madaxweyne Xasan oo sheegay in canshuurta ugu badan laga qaadi doono qaadka (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan oo sheegay in canshuurta ugu badan laga qaadi doono qaadka (SAWIRRO)

Madaxweynaha Dowladda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu maanta ka hadlay dhibaatada uu qaadku ku haayo bulshada Somaliyeed, isagoona qiray in halis uu ku yahay nolosha bulshada Somaliyeed. Madaxweynaha waxaa uu tilmaamay in waqti badan ay ku qaadaneyso Dowladda Somaliya, marka ay dadaal u gasho joojinta qaadka, laakiin waxaa uu ku baaqay in shacabku […]

Al Shabaab oo ka hadashay weerarkii Degmada Afgooye

Al Shabaab oo ka hadashay weerarkii Degmada Afgooye

Ururka Al Shabaab, ayaa guulo ka sheegtay weerarkii xooganaa ee hal habeen ka hor ay ku qaadeen Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose, weerarkaasoo saamayn wayn ku yeeshay Degmadaasi. Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa sheegay in maleeshiyadooda ay weeraro la beegsadeen fariisimo, ay Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin Degmada Afgooye iyo […]

1 2 3 122