Home Dhacdooyinka Daawo sawirro: Nolol xumo ka jirta Deegaanada Awdiinle & Goofgaduud Buurey

Daawo sawirro: Nolol xumo ka jirta Deegaanada Awdiinle & Goofgaduud Buurey

Xaalad adag oo dhinaca nolosha, ayaa ka jirta Deegaanada Awdiinle iyo Goofgaduud Buurey ee duleedka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay. Xaaladan, ayaa ka dhalatay abaaraha baahsan ee dalka ka jira.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Hub Ka Dhigista & Dhaqancelinta Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), Gudoomiyaha Degmada Baydhabo, C/laahi Cali Maxamed (Watiin), Taliyaha Nabad Suggida Baydhabo, Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow) iyo Madaxa Hay’adda Samafalka ee Qalam, Sheekh Ilyaas Cali Nuur, ayaa maanta kormeer ku tagey deegaanadaasi.

Kormeerkoodan, ayaa wuxuu la xiriiraa u kuur-gelidda xaaladda dhabta ahi ee ka jirta Awdiinle iyo Goofgaduud Buurey, waxayna ku soo arkayn xaalad aad u adag oo dadku ay ku nool yihiin.

Masuuliyiintan, ayaa soo arkay xaalado caafimaad darro, daawo la’aan iyo biyo yari ay la nool yihiin qoysaska ku dhaqan deegaanadaasi.

Sheekh Ilyaas Cali Nuur, Madaxa Hay’adda Qalam, ayaa qoysaskaasi nolosha adag ku sugan gaarsiiyay kaalmo isugu jirta biyo iyo timir. Sidoo kale qoysas u soo barakacay Magaalada Baydhabo, ayuu gaarsiiyay timir iyo biyo.

Sheekh Ilyaas Cali Nuur oo qaylo dhaan ka muujiyay marxaladda ka dhalatay abaaraha, ayaa bulshada Somaliyeed waxaa uu ugu baaqay in ay ka qayb qaataan gurmadka ay maanta u baahan yihiin dadkooda.

Sheekh Ilyaas, ayaa intaa ku daray inaanan maanta indhaha laga daboolan karin xaaladda liidata, ee ay ku sugan yihiin dadka ay abaaruhu aafeeyeen.

SHARE